16″ May” 2022″ Muqdisho
Saaxiibada Soomaaliya ayaa u hambalyeeyey madaxweynaha cusub ee loo doortay Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,
Iyagoo soo dhaweeyay Madaxweynaha xilka ka dagay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sida uu u aqbalay natiijada doorashada ka soo baxday iyo balan,qaadkiisa ku aadan madaxweynaha baddalay inuu garab Istaagayo.
Bayaanka wadajirka ee ay soo saareen saaxibbada Soomaaliya waxaa kale oo ay ugu mahadceliyeen Baarlamaanka Soomaaliya, Guuddoonka iyo Shaqaalaha baarlamaanka, Guddiga doorashada madaxweynaha iyo laamaha ammaanka ee suurageliyey iney doorashada si nabad ah ku soo gabgabowdo.
Waxayna ballaan qaadeen madaxweynaha cusub iney kala sahqeeynayaan arrimaha uu mudnaanta siinayo oo suuragelinaya horumarinta nabadda, barwaaqada iyo dowladnimada Soomaaliya.
Saaxiibada Beesha caalamka* ee Soomaaliya waxay Xasan Sheekh Maxamuud ugu hambalyeeyeen doorashada loo doortay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Waxaan Madaxweynaha xilka ka sii degaya Maxamed Cabdullaahi ‘Farmaajo’ uga mahadcelineynaa sida uu u fuliyay dhaqanka siyaasadeed ee Soomaaliya isagoo si dhakhsa ah u aqbalay natiijada doorashada, una ballanqaaday inuu garab taageeri doono madaxweynaha dhaxli doona.
Waxaan u mahadcelineynaa hoggaanka Baarlamaanka Soomaaliya iyo hawlwadeennada xirfadleyda ah, xubnaha Guddiga Wadajirka ah ee qabanqaabada doorashada Madaxweynaha, iyo Ciidanka Amniga Soomaaliyeed iyo Howlgalka Kalaguurka ee Midowga Afrika ee Soomaaliya sida ay u hirgeliyeen qabsoomidda doorasho Madaxweyne oo habsami leh, nabdoon oo ammaan ah.
Annanga Saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya waxaan weli ku taaganahay ballanq犀利士 aadkeenna aan u hayno Soomaaliya. Waxaan rajeyneynaa inaan fahamno arrimaha hortabinta u leh Madaxweynaha cusub si aan uga wada shaqeyno horumarinta nabad, barwaaqo iyo dowladnimo suuban oo ka hanaqaada Soomaaliya.