13″ November “2022” Hargeysa”

Mashaariicdii Dalalka Caalamku ku caawin jireen Somaliland oo la dhimay.
Mashaariicdii ay Somaliland ka wadeen Bangiga adduunka (-39%), mashruuca dalalka Yurub maalgaliyaan ee SDF (-20%), mashruuca maamul daadajinta dawladaha hoose ee JPLG (-9%), mashruuca Jarmalku maalgaliyo ee GIZ ( -38%) iyo mashruuca ILED ( -39%) ayaa dhamaantood la dhimay walba boqolayda jaantuska ka muuqata.
in kasta oo aanay dawladu si rasmiya wali uga hadal sababta mashaariicda dhamaantooda mar qudha loo wada dhimay, haddana waxay u eg tahay in Sababtu tahay walaaca dalalka Somaliland caawin ka qabaan doorashada madaxwayanaha ee dib u dhacday.