27″ April”2021 MUQDISHO
Wadamada saaxibada la ah Soomaaliya iyo qaar ka mid ah ururada caalamiga ah ayaa ka hadlay dagaaladii ka dhacay Axadii aynu ka soo gudubnay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho iyo weliba khilaafka ka jira arrimaha doorashooyinka.
Waxaan marar badan ka dignay in muddo kororsiga uu horseedi doono qalalaase siyaasadeed uuna wiiqi doono nabadda, xasilloonida iyo amniga Soomaaliya.
waxaan ku boorinaynaa dhammaan dhinacyada inay aad isu xakameeyaan, dib u billaabaan wadahadalka, kana fogaadaan ficillada halka dhinac ah ee sii hurin kara xaaladda.
Waxaan si gaar ah uga welwelnay kala qeybsanaanta soo bexeysa ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) oo u qaybsamaya qaab qabiil, taas oo wax u dhimaysa howshiisii koowaad ee ay ahayd la-dagaalanka Al Shabab iyo badbaadinta dadka Soomaaliyeed. In ciidamada amniga loo adeegsado xaqiijinta ujeedooyin siyaasadeed waa wax aan la aqbali karin.
Waxaan mar kale xaqiijineynaa xurmada aan u hayno gobanimada Soomaaliya, midnimadeeda, midnimadeeda dhuleed, iyo madax-bannaanideeda.
Wadamada iyo Ururada soo saaray war saxaafadeedka ayaa kala ah Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Masar, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Holand, Norway, Spain, Suudaan, Swedan, Swizerland, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay
.