2″ January “2023”

Saaxiibada Beesha caalamka ee Somalia oo ka walaacsan rabshadaha Laascaanood ee sababay dhimashada iyo dhaawaca dadka rayidka ah ayaa ku baaqay joojinta xiisada iyaga oo Somaliland ugu yeeray inaysan xoog u adeegsan dajinta xaalada mudaharaadayaasha Dheeho.com
Saaxibada taageera Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa War-saxaafadeed ka soo saaray xaalada ka taagan Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
Beesha caalamka ayaa walaac ka muujisey xiisadda ka taagan magaaladaas iyagoo baaq u diray Somaliland iyo shacabka ku nool Laascaanood.
“Saaxiibada Beesha caalamka ayaa ka walaacsan rabshadaha Laascaanood ee sababay dhimashada iyo dhaawaca da壯陽藥 d rayid ah. Ka hortagga rabshadaha iyo xaqiijinta ilaalinta dadka rayidka ah ayaa ugu muhiimsan,” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.
Sidoo kale waxaa intaas la sii raaciyey “Waxaan ku baaqaynaa xasillooni iyo is-xakameyn. Xiisadaha waa in lagu xalliyaa isdajin iyo wadahadal.”