Beesha Caalamka oo soo dhaweysay BF ee maanta lagu dhaariyay Muqdisho

14″ April “2022 “Muqdisho

Warsaxaafadeed ka soo baxay Beesha caalamka ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay xildhibaannada cusub ee maanta lagu dhaariyay magaalada Muqdisho.

“Saaxiibada caalamka* waxay soo dhaweynayaan dhaarinta maanta ee xubnaha dhowaan la doortay ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Soomaaliya. Kaddib muddo ka badan hal sano oo dhammaan hay’adaha Soomaaliyeed ee la soo doortay ay dhaafeen waqtigoodii dastuuriga ahaa, waxaan ku faraxsanahay in baarlamaanka cusub uu hadda diyaar yahay.”ayaa lagu yiri qoraalka xubnaha Beesha caalamka.


Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu yiri”Waxaan si adag u cambaareyneyn壯陽藥 aa weerarka hoobiyaasha ah, ee ay mas’uuliyadiisa sheegteen al-Shabaab, oo subaxnimadii hore ee maanta ka dhacay meel ku dhow goobta ay ka dhaceysay xafladda dhaarinta.”.


Waxaan ku hanweynahay in si degdeg ah loo dhamaystiro marxaladaha haray ee geedi-socodka doorashada, gaar ahaan doorashada hoggaanka baarlamaanka, kadibna Madaxweynaha. Waxaan ogsoonahay in ay jiraan kuraas baarlamaan oo aan la buuxin, waxaana fahamsanahay in, marka kuwan la go’aamiyo, in xubnaha dheeraadka ah la dhaarin karo oo ay ku soo biiri karaan geeddi-socodka hadba meeshi uu marayo.

Xayeeysiin


Saaxiibbadu waxay mar kale ugu baaqayaan madaxda Soomaalida inay yareeyaan xiisadaha siyaasadeed, ixtiraamaan xuquuqda aadanaha iyo xorriyaadka muwaadiniinta Soomaaliyeed, ayna si deg deg ah, nabad oo lagu kalsoonaan karo u soo gebagebeeyaan hannaanka doorashada.


*Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ruushka, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Isutagga Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka and Qaramada Midoobay.