Caqiido Xumo & Cambaareeyn

W,Q, ELMI OSMAN FARAH ( BOODHARI )

Golaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa iska diiday meel marinta ajandaha kulankooda iyaga oo ku saleeyey in sharciga LA horkeenay uu ku jiro qodob ka soo hor jeeda diinteena Islaamka

Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamka ayaa iyana walaac ka muujiyay Sharciga Galmada ee la horgeeyay Golaha Shacabka, kaasoo dib loo celiyay hadana

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo ka jawaabay xeerkaan ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin isku dayga miiska Guddoomiye Mursal u saaray Xeerkaan ku saabsan Galmada oo uu ku tilmaamay mid cusub.

“Qaramada Midoobay iyo saaxiibadeeda kale ee Soomaaliya ayaa u muujiyey walaaca ay ka qabaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, isku dayga miiska lagu soo saaray sharci cusub oo aan sax aheyn, kaas oo oggolaanaya guurka carruurta, kana hor imaanaya heshiisyada caalamiga ah ee arrintan la xiriira” ayaa lagu yiri qoraalka Xafiiska QM.

Qoraalka ayaa intaa lagu daray “Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa uu ku boorrinayaa golaha wasiirrada ee dalka in ay dib-u-soo-celiyaan Hindise-sharciyeedka Dembiyada Galmada ee asalka ah”.

Xildhibaanada waxa ay ku doodeen in Xeerkaan uu kahor imaanayo Shareecada Islaamka iyo dhaqanka wanaagsan ee Soomaaliya, sidaas awgeed waxa ay dalbadeen in dib loo celiyo, maadaama dastuurka dalka uu dhigayo in wax waliba oo kahor imaanaya Diinta aan Xeer noqon Karin.

Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka BJFS Xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad waxa uu Golaha kahor sheegay in la hagaajinayo Cinwaanka Xeerka, qodobada cabashada laga qabayo iyo hab diyaarintiisaba.

Walaaca beesha caalamka ayaa yimid markii La Ogaaday sharcigaas uu hadaba saaran Yahay miiska Gudoomiye Mursal ,

Madaxweyne farmaajo iyo saaaxiibadiis oo uu Ku jiro gudoomiye mursal ayaa talaabada Isku dayga sharciga ka hor,imaanaya caqiidada Islaamka doonayay in ay ku soo jiitaan dalalka Reer galbeedka, kuwaas oo iyana fahmay Xeelada dhabta ah ee ka danbeeysa .

Dhawaan ayay ahayd markii beesha caalamka ay cambaareeyn iyo goodin isugu dartay xubno Ay ka mid yihiin madaxweynaha iyo gudoonka
Baarlamaanka markii ay soo abaabuleen afgambigii 7 da daqiiqo qaatay ee lagu riday Xukuumadii raysiwasaare khayre

Leave a Reply