Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252
Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46
15″ Dec “2022” AL JAZEERA AND NEWS AGENCIES
Taageerada madaxweynaha Mareykanka ayaa ujeedadeedu tahay in Washington, DC ay noqoto saaxiibka dalalka Afrika, iyadoo uu tartan kula jiro Shiinaha, kaasoo ganacsigiisa qaaradda uu afar jeer ka badan yahay kan Mareykanka.
Ku daridda Midowga Afrika kooxda G20 waxay siinaysaa fursad ay qaarad fikrad weyn uga dhiibtaan arimaha kala duwan ee adduunka, sida isbeddelka cimilada iyo jawaabta COVID-19 ayuu yiri Madaxwyne Biden oo kulamo gaar gaar ah iyo mid guudba la qaatay hogaamiyaasha africa
Madaxweyne Joe Biden ayaa ku dhowaaqay inuu taageerayo Midowga Afrika oo ku biira kooxda (G20), oo ah madal caalami ah oo dhaqaalahoodu waa weyn yahay, iyadoo Maraykanku uu doonayo inuu xiriir adag la yeesho waddamada Afrika.
Isagoo ka hadlayay munaasabada shir madaxeedka Mareykanka iyo Afrika oo Khamiistii soo idlaaday Biden wuxuu sheegay in hoggaanka Afrika iyo hal-abuurka ay muhiim u yihiin wax ka qabashada qaar ka mid ah caqabadaha ugu daran adduunka.
Taasi waa sababta maamulkiisu u muujiyay taageerada dib u habeynta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay si loogu daro wakiil Afrikaan ah, iyo sidoo kale in Midowga Afrika la siiyo boos joogto ah G20, ayuu yiri Biden.
“Afrika waxay ka tirsan tahay miiska qol kasta – qol kasta oo caqabadaha caalamiga ah looga hadlayo, iyo machad kasta oo ay ka socdaan doodo,” waa in ay yimaadaan ayuu yiri.
Faallooyinka Biden ayaa imaanaya maalin kadib markii Washington ay soo bandhigtay maalgashi cusub iyo heshiisyo ganacsi oo Afrika ah, taas oo qayb ka ah shir madaxeedka soo gabagboobmay ee saddexda maalmood hoggaamiyeyaasha africa uu maraykanku la yeeshay
Wafuud ka kala socota 49 dal oo Afrikaan ah iyo sidoo kale Midowga Afrika ayaa lagu casuumay wadahadalka, kaasoo daba socday shirkii ugu horreeyay ee noociisa ah oo siddeed sano ka hor uu ka qeyb galo madaxweynihii xilligaas Barack Obama.
Biden wuxuu damcay inuu dib u soo nooleeyo xiriirka Mareykanka ee dibadda ka dib afar sano oo Donald Trump ay u hoos u dhacday siyaasadii dibada ee” America First””taasoo keentay in waddanku ka baxo hay’adaha caalamiga ah iyo heshiisyada waaweeyn
Maamulka Biden ee ku dadaalaya maalgashiga Afrika ayaa sidoo kale ka soo horjeeda tartanka caalamiga ah ee Beijing, kaas oo gobolka ku maalgeliyay heer aad uga sarreeya Maraykanka sannadihii la soo dhaafay.
Markii shirku soo idlaaday, wadahadaladii Khamiista waxaa lagu go’aamiyay wadahadalo heer sare ah oo ku saabsan iskaashiga Mareykanka iyo aragtida istiraatiijiyadeed ee Midowga Afrika ee qaaradda.
Taas waxaa ku jira haqab-beelka cuntada, arrinkaas oo soo jiidatay walaac caalami ah iyada oo ay jirto sare u kaca qiimaha cunnada ee lala xiriirinayo duullaankii Ruushka ee Ukraine
Dhanka kale, Biden ayaa sheegay Khamiistii in uu dhawaan booqasho ku tagi doono dalalka Saxaraha ka hooseeya, uuna u diri doono qaar badan oo ka mid ah lataliyayaashiisa ugu sarreeya qaaradda, oo ay ku jiraan Xoghayaha Arrimaha Dibadda Antony Blinken, Xoghayaha Maaliyadda Janet Yellen iyo Xoghayaha Ganacsiga Gina Raimondo.
“Waxaan rajeynayaa inaan kugu arko wadamadaada hooyo,” ayuu yiri Biden, isaga oo aan bixin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan booqashada ama goorta ay dhici doonto.
Biden ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horeeyay ee Mareykan ah oo booqda tan iyo markii Obama uu tagay Kenya iyo Itoobiya sanadkii 2015-kii