Galmudug oo la wareegtay Guriceel

27″ Wednesday ” October “2021 ” Guriceel

Ciidamada dowlad goboleedka Galmudug iyo kuwa dowla壯陽藥 dda federaalka ee taageerayey ayaa maanta si buuxda ula wareegay gacan ku haynta magaalada Guriceel oo dagaallo ay ka socdeen maalmihii tegay.

Kadib dagaal xoogan oo markale xalay ka dhacay degmada Guriceel, ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug ayaa la wareegay gacan ku haynta goobihii ay maalmahan ka dagaallamayeen Kooxda Ahlu sunna.

Sida ah sheegeen Saraakiisha Ciidanka dowladda ,maleeshiyaadka Ahlu sunna ee ku sugnaa halka loo yaqaan Jaamacadda ayaa u ruqaansaday deegaanka loo yaqaan God-wiil oo dhanka waqooyi bari kaga beegan magaalada Guriceel.

Labo gaari oo nooca Cabdi bilaha,horeyna ay u lahaayeen Ciidamada Galmudug ayay kaga carareen dhufeysada dagaalka halka ay ka baxeen ee Jaamacadda

Boqolaal dhimasho iyo burbur ka dib Ahlu-Sunna oo ka baxday Guriceel iyo dadkii ka barakacay oo dib ugu laabanaya magaalada

Ciidamadii Ahlu Sunna Waljamaaca ee ka dagaalamayay qeybo ka mid ah magaalada ayaa la soo sheegayaa inay magaalada ka baxeen xalay goor dambe.

Wararka ayaa sheegaya in bixitaanka Ahlu-Sunna uu ku yimid heshiis ay ka shaqeeyeen siyaasiyiin iyo ganacsato kasoo jeeda gobolka.

Leave a Reply