15″ March “2023
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, iyadoo labada dowladood ay isha ku hayaan inay hagaajiyaan xiriirka ka dib markii ay isku dhaceen dagaalkii labada sano socday ee gobolka Tigray.
犀利士
>“Wax badan ayaa jira in la qabto. Malaha waxa ugu muhiimsan ayaa ah in la sii qoto dheereeyo nabada ka hana qaaday waqooyiga,” Blinken ayaa u sheegay suxufiyiinta ka dib kulankii Arbacadii.
Blinken, oo wadahadalka la bilaabay wasiirka arrimaha dibadda Demeke Mekonnen oo uu ku qabtay xaflad kafeega ah, ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu la kulmo ra’iisul wasaare Abiy Axmed iyo hoggaamiyayaasha ciidamada Tigrayga ee dowladda federaalka kula dagaallamay dagaalladii gobollada waqooyi.
“Waxaan leenahay xiriir soo jireen ah, waxaana la joogaa waqtigii dib loo soo nooleyn lahaa oo hore loo socon lahaa,” ayuu yiri Demeke.
Diblomaasi sare oo Mareykan ah ayaa ku wajahan dalka galbeedka Afrika ee Niger oo ay isku horfadhiyaan kooxo hubeysan, maalinta Khamiista ah.
Safarka Blinken ayaa ah kii ugu dambeeyay ee booqashooyin isdaba joog ah oo ay ku tagayaan qaarada Afrika saraakiil sarsare oo Mareykan ah iyadoo maamulka madaxweyne Joe Biden uu doonayo inuu xoojiyo xiriirka uu la leeyahay wadamada qaarada iyadoo ay ku loolamayaan Shiinaha iyo Ruushka.