Xariga Lamaane Da,yar oo reer Muqdisho ah ayaa soo jiitay indhaha warbaahinta Soomaalida

29- Feb-2024- Muqdisho

Xariga Lamaane Da,yar oo reer Muqdisho ah oo nolosha qoyskooda ka dhigay qaab Online ah ayaa soo jiitay indhaha warbaahinta Soomaalida

Faisa iyo Cabaas waa labo lammaane ah oo da’yar kuna nool magaalada Muqdisho. Bartooda TikTok ayaa aad loogu bartay muuqaalada nolosha qoyskooda ku saaban ee ay halkaas ku baahiyaan, iyagoo marwalba muuqaaladoodu muujinayaan dabaqadda ay bulshada kaga jiraan nolol ahaan.

Mar walba waxay ku muujiyaan muuqaaladooda in ay isku faraxsanyahiin noloshoodana ku qanacsanyahiin.

Muuqaalada ay ku daabacaan barahooda TikTok iyo Facebook waxaa daawata malaayiin qof oo siyaabo kale duwan uga falcelisa kuwaas oo u badan dhallinyaro.

Nolosha qoysaska jiilashan danbe oo online-ka aad uga dhex muuqata ayaa bulshada Soomaalidu dhexdeeda isku eedeysaa in wax walba ay ku soo baahiyaan baraha bulshada ee ay isticmaalaan, xitaa noloshooda hoose.

Lamaanahaan da’ada yar ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa muuqaal ay soo galiyeen barahooda bulshada aad looga falceliyay – waa muuqaal ay Faisa u qabaynayso Cabaas.

Barta Facebook oo keliya muuqaalkaas waxaa la daawatay in ka badan 1 milyan oo jeer halka barta TikTok-na ay daawatay ku dhawaad todobo boqol oo kun.

Laamaha amaanka ayaa xidhay lamaanaha iyagoo ku eedeeyay ‘in muuqaalku ahaa mid anshax daro ah’.

Afhayeenka Booliiska Soomaaliya, Gaashaanle sare, Qaasim Axmed Rooble oo BBC-da lahadlay ayaa sheegay in hawlgal looga hortagayo dhaqan xumada ay ku soo qabteen lamaanaha.

“Ayaga oo qabaysanaya ayay muuqaal iska duubeen, arrintaasina mid sharciga garab marsan weeye; dhaqanka, diinta iyo edaabtana mid garab marsan weeye,” ayuu afhayeenku.

Booliska Soomaaliya ayuu sheegay in mar walba ay idin u haystaan ka hortagista falalka anshax darrada.

“Waxaa ciidanka booliiska ka go’an oo amarada la siiyay kamida meel walba oo ay joogaan, wax alaala waxii dhaqan xumo ah in ay la dagaalaman dhallinyarada soomaaliyeedna waxaan ku wargelinaynaa cidii sharciga u hoggaansami wayda ee dhaqan xumo wada in aan la dagaalami doono,”

Sida uu BBC da u sheegay Abuukaate Cabdinaasir Xuseen, Xeerka Ciqaabta ee Soomaaliya ayaa leh qodobdo tilmaamaya in waxyaalaha anshax darrada ah loo xiro karo muwaadinka, balse waxa aan cadayn in falka lagu xiray lamaanahaan uu noqonayo mid xeerku u aqoonsan doono anshax darro iyo in Kale.

Qaar kamid ah ehelada ayaa sheegay in ay iyagu dalbadeen in la xiro, maadaama aysan ku qanacsanayn muuqaalada ay lamaanuhu soo bandhigayeen. Balse waalidka dhalay lamaanahaan oo aan isku daynay inaan la xiriirno ayaan noo suuragalin.

Boolisku waxay sheegeen in 48 saacadood ka dib ay ku wareejin doonaan kiiskaan laamaha garsoorka.

Xidhitaanka lamaanahaan ayaa baraha bulshada Soomaalida hadal hayn ka dhaliyay siyaabo kala duwan ayaana looga falceliyay, kuwo way ku maadsadeeen, kuwana way dhaleeceeyeen oo waxay ku tilmaameen anshax daro xad-dhaaf ah.

Taliyaha Booliiska ayaa sheegay in ay usoo jeedsadeen in ay si dhab ah wax uga qabtaan dadka baraha bulshada ku faafiya waxyaabaha anshax darada ah, waxuuna sheegay in hadda ka hor haddii ay amniga aad ugu mashquulsanaayeen in ay haddana wakhti badan gelin doonaan waxka qabashada dadka dhaqan xumada faafiya.

BBC-da oo weydiisay sida ay dadka baraha bulshada isticmaala ee dhaqan xumada faafiya ay ula dhaqmayaana waxuu ku jawaabay: “Anniga ma jirto xeerar gooni ah oo aan dejino, qofkiise anshax xumo sameeya waxaan geynaynaa muddo 48 saac ah guddahood maxkamad, maxkamadda ayaana la macaamilaysa xeerarka yaala ayaana lamarsiinayaa,”

Afhayeen ayaa sidoo kale xusay in ay jiraan dadyoow kale oo ay doonayaan iyagana in ay soo qabtaan kuwaas oo baraha bulshadana ‘xumaan ku faafiya’.

Bulshada oo si dh犀利士 ow ula shaqaysa ayuu sheegay in ay u dhibyaraysay marwalba in ay soo qabtaan dadyowga faafinaya ‘waxyaabaha xun’ qalabyada ay isticmaalaana ay u ogolaanayaan qofka meeshuu joogo in ay ogaadaan taas oo laamaha amaanka u sahasha in ay soo qabtaan qofkay rabeen.

Leave a Reply