Booliska Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa soo bandhigay Gabar la asheegay in Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya laga Afduubtay, taasi oo maanta lagu qabtay Magaalada Guriceel.
Taliyaha Booliiska Guriceel Dhamme Cusmaan Cali Hudeey ayaa ka warbixyay qaabka ay Gabadha usoo qabteen iyo sababaha ay uga soo tagtay Qoyskeeda, waxaana uu sheegay taliyuhu in aan la Afduuban balse ay iyado si iskeed ah u go’aan satay in ay Guriceel aaddo, waxaana uu sheegay in ay usoo socdaashay qaar ka mid ah Ehelkeeda oo Magaalada deggan.
Sidoo kale Hibo oo ah Gabadha la sheegay in shalay laga Afduubtay Xaaafadda Shanta geed ee Degmada Howlwadaag ayaaa sheegtay in ay markii aysoo baxaysay aysan ogaysiin reerka, taasina ay keentay in looga shakiyay Afduub, waxaana intaas ay ku dartay in safarkeedu uu ahaa rabitaan iyada u gaar ah, aysanna jirin cid soo Afduubatay ama kusoo qasabtay.
tan iyo shalay ilaa xalay ayaa waxaa jiray warar ku aaddanaa Gabadha oo sheegayay in la Afduubtay, waxaana hadda ay sheegtay in arrintaasi ay tahay mid waxba kaam jiraan