19-August-2023 Muqdisho
Ex- Dhame Sheegoow” Shaqsi Hub Iyo Ciidan Sharci-daro ah Ku Heystay Muqdisho Oo Ka Dagaalamay In uu Sharciga Isu Dhiibo
Booliska Somalia ayaa sheegay inay qabteen Ex-dhame Sheegoow axmed cali oo ka tirsanaa jiray ciidamada kadib markii la ogaaday in uu gurigiisa magaalada Muqdisho ku heeystay hub iyo ciidan sharci daro ah
Lama yaqaan waxa Ex-dhame Sheegoow uu u isticmaali jiray hubka iyo ciidamada uu gurigiisa ku heeystay waxayse booliisku xaqiijiyeen inay soo xireen islamarkaana ay si degdeg ah maxkamad u horkeeni doonaan
Qabashada ninkan hubka iyo ciidamada ku dhex heeystay Muqdisho ayaa waxaa ka dhashay Iska-horimaad sababay dhimashada 3 qof sida boolisku ku waramay
Dadka dhintay ayuu afhayeenka Booliiska soomaaliya u xaqiijiyay warbaahinta in labo ka mid ah ay ahaayeen ilaalada Shegow, halka midka kalena uu ahaa Askari Booliis ah, iyadoo ay ku dhaawacmeen 4 Askari oo kale iska horimaadka oo lagu soo xiray Sheegoow iyo 18 nin oo hubeeysan
Siyaasiin Iyo Waxgarad ka tirsan beelaha Jareer weeynta Soomaaliyeed ayaa dalbaday in la sii daayo Sheegoow Iyaga oo aan waxba ka soo qaadin eedda loo heeysto ee ah in Isaga oo shaqsi uu hub iyo ciidan sharcidaro ah ku heeystay gurigiisa oo ku yaal magaalo magaalada Muqdisho
Dowlada fadaraalka Somalia ayaa horey u mamnuucday in shaqsi uu ku dhex heeysan karo #Muqdisho hub iyo ciidan sharcidaro ah
Tan iyo markii uu talada Somalia la wareegay Madaxweyne Xasan Shiikh Laamaha amaanka dowlada waxay dardar galiyeen sugida amnniga Iyaga oo fashiliyay Iskudayga Shirqoolo Argagixisnimo oo ka dhan ahaa dadka caasimada waxayna banaanka soo dhigeen saraakiil dowladeed oo iyaga oo is-qarinaya wadashaqeyn dhow la,lahaa kooxda Argagixisada Alshabaab
Askarigan hore ee Sheegoow oo ka dagaalamay in uu sharciga isu dhiibo ayaa wajihi kara ciqaab adag hadii lagu helo danbiga loo soo xiray