Booliska Muqdisho Oo maanta soo xiray Gabar Iyo caan ka ahaa Baraha bulshada oo loo haysto anshax xumo

31 ” May ” 2024″ Muqdisho ” Booliska Soomaaliya ayaa maanta soo xiray Faadumo Sahal Shariif oo caan ka ah baraha bulshada, taasi oo loo haysto falal anshax xumo ah.

Booliska ayaa sheegay in Gabadhaan la horgeyn doono maxkamadda awoodda u leh sida ugu dhaqsaha badan, sida lagu cadeeyey qoraal ka soo baxay Taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir.

“Ciidanka booliska gobolka Banaadir gaar ahaan Saldhigga Booliska Hodan ayaa soo xiray eedeysane Fadumo Sahal Shariif 19 jir kuna eedeysan in ay ku kacday falal anshax-xumo ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska.

Sidoo kale waxaa lagu yrii “Muwaadin hadii aad la kulanto ama ay kusoo gaarto falal amaanka liddi ku ah la soo xiriir xafiiska Gurmad ee ciidanka booliska Soomaaliyeed.”

Xalay ayey aheyd markii uu booliska soo xiray eedeysane lagu magacaabo Yaxye Xasan Maxamed, kaasi oo isna ku eedeysan in uu ku kacay falal anshax xumo ah.

Wiilkaas uu baraha bulshada ku faafiyey muuqaallo kasoo horjeeda Diinteena suuban ee Islaamka iyo dhaqanka wanaagsan ee umadda Soomaaliyeed,” sida uu sheegay booliska.

Ninkan ayaa bartiisa TikTok ku baahiyey muuqaalo muujinaya dhaqan xumo weyn, isagoo qaadan jiray makarafoon, wuxuuna gabadhaha jidka maraya dhihi jiray “Waan rabaa, xagasha ii laab, waan kuu baahanahay” iyo kelmado kale oo xasaasi ah, muddo dheer ayey dadka reer Muqdisho farta ugu fiiqayeen booliska si ay u soo qabtaan, balse ugu dambeyn caawa ayaa lasoo xiray.

Sidaan oo kale booliska ayaa habeen hore u soo xiray Asmar Daahir Faarax oo isna ku eedeysan falal anshax-darro ah oo baraha bulshada u uku faafiyey, waxaa xabsiga la isugu geeyey dhalinyaradii baraha bulshada ku faafi jirtay muuqaalo mararka qaar dhaqan xumo toos ah muujinaya.

Intooda badan dhalinta lasoo xiray waxay caan ka ahaayeen barta TikTok, waxayna maalmo badan ku jiraan xabsiga, booliska ayaa sheegay in la horgeynayo maxkamad, si loogu soo oogo dacwado la xiriira eedeymaha loo heysto.

Muddo dheer ayaa laga digayey in baraha bulshada ay ku fasahaadiyaan dhalinyaro badan, hadda booliska Soomaaliya wuxuu fahmay shaqadiisa, maadaama uu yahay ilaaliyaha sharciga, waxaana bilowday howl-gal lagu soo afjarayo baahinta anshax-xumada oo dhalinyarada qaar ay caadeysteen.