Booliska Somaliland oo soo qabtay rag dilal ka gaystay magaalada Hargeysa

4- December-2023

Ciidamada Booliska Somaliland oo howlgallo baaritaano ah ka sameeyay magaalada Hargeysa ayaa kusoo qabtay rag loo haysto inay dil iyo dhaawac ka gaysteen magaaladaasi.

Falalkaas ayaa waxaa lagu beegsaday darawallada ka shaqeeya gaadiidka Takaasida ee ka howlgala caasimada Somaliland.

Ciidamada ayaa gacanta kusoo dhigay laba eedeysane oo lagu kala magacaabo Xamse Cabdi Saleebaan oo 23 sano jir ah iyo Ayaanle Muxumed Xaashi oo isna  ah 22 sano jir.

Eedeysanayaasha ayaa waxaa so gaar ah loogo haystaa dilka Marxuum Maxamuud Xasan Dacar iyo dhaawaca Mustafe Cali Cabdilaahi oo kamid ahaa darawallada Hargeysa.

Halkan hoose ka akhriso:-

Warbixin :

Taliska Ciidanka Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysanayaasha  kala ah

1- Xamse Cabdi Saleebaan ina Sahra Cabdi 23jir

2- Ayaanle M犀利士 uxumed Xaashi  ina Faadumo Maxamed  22jir oo ku eedaysan  inay  14-11-2023ka Ku dileen marxuum Maxamuud Xasan Dacar  ina Qamar Ducaale 46jir Isha Cobosha Masallaha Galbeed  kuna dhuftay 9-Mindiyood , kadibna baadhay qaatayna    mobile-kiisii , waxaana loo hayaa markhaatiyaal cadcad inay  Marxuumka dileen  ,  marxuumka ayaa ahaa darawal  ku shaqaysta Gaaddiidka dadweynaha ee loo yaqaan  (Probox-ta) ,  waxaanay  yidhaahdeen naga kiree , iyagoo markii dambana halkaasi ku dilay Marxuumka alle ha u naxariistee.

Dedaal dheer , hawlgallo iyo baadhid badan oo ay  sameeyeen Ciidanka Boolisku ayay kusoo qabteen Eedaysanayashaa , waxaanna hadda ku jiraan gacanta Ciidanka Booliska .

Dhanka kale eedaysanayaasha ayaa 3-11-2023kii  Sacaadadiin horteeda ka kiraystay gaadhi Vitz ah oo uu watay dhibane  Mustafe Cali Cabdilaahi  kaasi oo ay la tageen Qudbiga Sheekh Cumar agtiisa kadibna ay dhaawacyo u gaystay , sidoo kalana ka  qaaday mobile uu sitay , kana tuuray gaadhigii. Waxaanay gaadhigii kaga tageen meel cidla ah inta ay  waxii ku jiray kala baxeen.

Leave a Reply