Sunday ” 3″ October ” 2021 Baraawe, Mustaqbal Radio
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray magaalada Baraawe ee caasimadda Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya.
Waxaa safarkiisa ku wehliya wasiirro, xildhibaanno, guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) iyo mas’uuliyiin kale.
Ra’iisul Wasaaraha iyo wefdigiisa waxaa garoonka Baraawe ku soo dhaweeyay madaxweynaha Koofur galbeed S壯陽藥 oomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, guddoomiyaha Baarlaamka Koofur galbeed Cali Saciid Faqi iyo dadweyne.farabadan
Socdaalkan Ra’iisul Wasaaraha ayaa ujeedkiisu yahay in uu u kuur galo xaaladda guud ee degmada Baraawe ee amniga iyo adeegyada bulshada, isagoo la kulmaya shacabka iyo mas’uuliyiinta kala duwan ee degmada.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa u kuurgelay xaaladda amni ee degmada Baraawe iyo adeegyada bulshada, gaar ahaan u diyaar garowga qabsoomidda doorashada qaar ka mid ah xildhibaannada laga soo doorto dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale kormeeri doona goobaha ay ka dhici doonto doorashada Golaha Shacabka oo ay Baraawe ka mid tahay magaalooyinka martigelin doona.
RW Rooble ayaa ku tilmaamay talaabada looga soo masaafuriyay magaalada laascaano muwaadiniin Soomaali ah oo ku sugan dalkooda in uu yahay wax laga summarised,
RW Rooble oo la hadlayay bulshada Baraawe ayaa ku tilmaamay falkii shalay magaalada Laascaanood looga soo masaa furiyey muwaadiniin Soomaaliyeed oo gudaha dalkooda ku sugan mid laga xumaado, isagoo ugu baaqay shacabka deegaanadaas in ay ka dhiidhiyaan tallaabada uu qaaday maamulku.