Wednesday ” 1 Dec ” 2021″ Boosaaso
Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland waxaa maalmahan laga dareemayay xiisad iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka dhashay tallaabo uu madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni uu xilka uga qaaday madaxii ciidamada PSF-ta, taas oo ay ciidankaasi ku gacan seyreyn.
Xalay ayey magaaladu mar kale gashay xaalad dhiilo ka dib markii ciidamo fara badan oo wata gaadiidka dagaalka ay fariisin ka sameysteen Dekedda magaalada.
Iyadoo wax xal ah laga gaarin khilaafka u dhaxeeya xukuumadda Puntland iyo Ciidamada PSF-ta,ayaa waxaa dhaqdhaqyo ciidan oo horleh laga dareemayaa magaalada Bosaaso iyadoo dadka qaar ay ka qaxeen xaafadaha qaar ee magaaladaasi.
Muddo hal todobaad ah ayaa ka so wareegtay markii madaxweyn犀利士 aha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu xilka ka qaaday agaasimaha hay’adda PSF isla markaana u magacaabay agaasime cusub.
Madaxweyne Deni ayaa xalay hadal kulul ka jeediyay degmada Burtinle, kaas oo u muuqanayay hadal uu si dadban ugu dirayay ciidamada PSF-TA.
Maamulka Puntland wuxuu dhawaan ciidamada la dagaalanka argagixisada ee PSF-ta ku eedeeyay in ay barakicin ka wadaan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka bari.