21″ Feb”2022″ Boosaaso” Horseed Media
Qaraxan oo ka dhacay duleedka kantaroolka Bosaaso ayaa lala eegtay kolonyo gadiidka wafdiga Madaxweynaha Puntland oo maanta magaalada soo gaaray.
Mid kamid ah gaadiidka ciidamada Madaxtooyada ayuu qaraxu haleelay, waxaana la xaqiijiyey geerida laba askari iyadoo ay jiraan dhaawacyo.
Dowlada Puntland ayaan weli War rasmi ah kasoo saarin dhacdadan oo kusoo beegmaysa laba maalin kadib markii qarax lala eegtay makhaayad ku taal magaalada, qaraxaasi oo ay ku dhinteen nabadoono shalay aasqaran loogu sameeyey Bosaaso.
Kooxda Al shabaab ayaa sheegatay qaraxii maanta lala beegsaday wafdiga Madaxweynaha Puntland.