30- August-2023- News Agencies
Brice Nguema, oo looga shakisan yahay in uu ahaa hogaamiyihii afgambiga Arbacadii ka dhacay dalka Gabon, ayaa sheegay in askarta gadoodsan ay kulan u socdo ay u go’aamin doonaan hogaamiyaha cusub ee dalka Ku yaal Afrikada dhexe
Saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada dalka Gabon ayaa Arbacadii sheegay inay la wareegeen awoodda caasimadda si ay meesha uga saaraan natiijadii doorashadii dhawaan ka dhacday dalkaasi, isla markaana ay xilka ka xayuubiyeen hoggaamiye qoyskiisu talada dalka hayey muddo ku dhow 56 sano.
Arrintan ayaa timid hal saac gudaheed kadib markii madaxweyne Ali Bongo Ondimba lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay codbixintii madaxtinimo ee dhacday dhamaadkii todobaadka.
Hogaamiyaha Ilaalada Jamhuuriga ee caanka ah isla markaana ay qaraabo yihiin Madaxweyne Ali Bongo, ayaa ku hadlayay wareysi uu siiyay jariirada Faransiiska ee Le Monde.
Koox ka tirsan saraakiisha sarsare ee militariga ayaa ka baxay telefishinka qaranka Gabon iyagoo sheegay in ay la wareegeen talada, Aljazeera ayaa sheegtay.
Shabakadda wararka ee telefishinka ayaa sheegtay in saraakiishu ay sheegeen in doorashooyinkii la qabtay dhammaadka todobaadka aysan ahayn kuwo lagu kalsoonaan karo. Saraakiishu waxay baahinayeen subaxnimadii Arbacada (August 30, 2023) waxay sheegeen inay baajiyeen doorashooyinkii, isla markaana ay kala direen dhammaan hay’adaha dowliga ah, isla markaana ay xireen xuduudaha dalka.
Waxay sheegeen in ay wakiil ka yihiin dhammaan ciidamada ammaanka iyo difaaca ee Gabon.
Ku dhawaaqistan ayaa timid wax yar kadib markii guddiga doorashada ee gobolka uu sheegay in madaxweyne Ali Bongo Ondimba uu ku guuleystay markii saddexaad ee xafiiska.
Muuqaalka telefishinka ayaa sidoo kale waxaa tabineysa BBC-da.
Muuqaal sida muuqata muujinaya madaxweyne Ali Bongo oo sheegay in uu xabsi guri ku jiro ayaa lagu faafiyay baraha bulshada. Afgambigan ayaa lagu dhawaaqay wax yar kadib markii guddiga doorashada ee gobolka ay sheegeen in madaxweynaha hadda talada haya uu ku guuleystay markii saddexaad ee xafiiska.
Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in sarkaalka milatariga ah ee lagu magacaabo hogaamiyihii afgambiga lagu magacaabi jiray G eneral Brice Oligui Nguema.