Britain oo dhaqaale ugu Yaboohday Ciidamadda Soomaaliya

20- September-2023-

Dowladda UK oo taagero dhaqaale u fidisaday ciidanka Soomaaliya

Dowladda Ingiriiska ayaa lacag dhan 5 milyan oo gini ugu deeqay Soomaaliya, iyadoo lacagtaasi loosoo marsiiyay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya (UNSOS) Dheeho News Every Day

Arrintan waxa ay ka danbeysay ka犀利士 dib kulan gaar ah oo ay wada yeesheen La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali iyo Ku-xigeenka La-taliyaha Amniga Qaranka UK ee Arrimaha Caalamiga, Dame Sarah MacIntosh.

Waxa ay isku raaceen in lacagtaan la doonayo sidii loogu taageeri lahaa ciidamada dowladda ee dagaalka adag kula jiro kooxda Al-Shabaab

Ku-xigeenka La-taliyaha Amniga Qaranka UK ee Arrimaha Caalamiga, Dame Sarah MacIntosh ayaa sheegtay in taageeradan dhaqaale ay muhiim u tahay iskaahsiga amniga ee labada dowladooda oo kamideysan ciribtirka arggaixisada.

“Iskaashiga amniga ee UK iyo Soomaaliya waxa uu muhiim u yahay xasilinta iyo amniga Soomaaliya iyo gobolka,” ayay tiri Ms. Sarah MacIntosh.