t”March “2023
Dowladda Boqortooyada UK ayaa ku dhawaaqday go’aan lama filaan ah oo saameynaya ciidamada Somaliland oo haatan wajahayo xiisad xoogan oo ka dhalatay kacdoonka ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
Uk ayaa ku dhowaaqday inay hakisay lacagihii ay ku taakuleyn jirtay ciidamada Somaliland, sida lagu xusay qoraal ka soo baxay xafiis ay Britain ku leedahay magaalada Hargeysa.
Warkan qoraalka ah ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in go’aanka dhaqaalaha looga jarayo Somaliland uu dhaqangeli doono 31-ka Bishan March lagu gaaray London.
Dowladda Britain ayaa sidoo kale xustay inay qiimeyn ku sameyn doonto maal-gelinta amniga iyo garsoorka, iyadoo la eegayo waxa u qabsoomay Somaliland muddadii la caawinayay.
Waxaa sidoo kale warbixintan lagu sheegay in dowladda Ingiriiska ay muhiimad gaar ah siin doonto arrimaha bini’aadanimada, ayna taageeradooda u weeci doonto dhankaasi.