Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Eng. Cumar Cali Cabdi ayaa Maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay qaar kamid ah bulshada degnooyinka Boondheere iyo Warta-nabadda ee Gobolka.
Bulshada degnooyinkaas ayaa Maamulka Gobolka Banaadir u gubdiyay cabasho ay ka qaaban shilal kala duwan oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay wadada Jenaraal Daa’uud oo dhawaan dib u dhis ballaaran lagu sameeyay.
Sidoo kale Bulshada degnooyinka Boondheere iyo Warta-nabadda ayaa Maamulka Gobolka ugu baaqay in Askari Jiifo loo sameeyo wadada Jenaraal Daa’uud, si ay u yaradaan shilalka halkaas ka dhaca, sidoo kalena ka dalbaday in wax laga caqto saameynta roobka uu u geysto degmooyinkaas.
Cumar Cali Cabdi Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Maamulka Gobolka uu markasta u taagan yahay sidii uu uga Jawaabi lahaa cabashooyinka, isla markaana uu wax ka qaban doono cabashada Maanta loo soo gudbiyay.
Ugu dambeyn Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ayaa bulshada kunool degnooyinka Boondheere iyo Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir ugu baaqay inay ilaaliyaan bilicda Caasimadda gaar ahaan wadada Janaraal Daa’uud oo la dhisay.