Koxoaha Burcad-badeeda Soomaaliya ayaa afduubay markab kalluumeysi oo laga leeyahay wadanka Shiinaha xili uu marayay xeebaha maamulka Puntland, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Howlgalka Midowga Yurub ee la dagaalanka burcad-badeeda.
Markabka oo la socda 18-shaqaale ah, ayaa afduubkiisa wuxuu ka dhacay xeebaha degmada Xaafuun oo ku taalla waqooyi bari ee Puntland. Kooxaha burcad badeedda ee qabsaday markabkan ayaa ku hubeysnaa qoryaha darandooriga u dhaca, waxayna wateen doon yar oo kusoo weerar tageen.
Lama sheegin wax dhaawac ah ama dhimasho ah oo soo gaaray shaqaalaha la socda markabka, balse waxaa socda howlgalka samatabixin ah.
Afduubka markabka Shiinaha ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay kordheen isu socodka badda ee biyaha Soomaaliya, taasoo ka dhalatay iska horimaadyo ka dhacay badda cas iyo marinka Bab el-Mandeb oo ku qasbay maraakiibta inay dib ugu laabtaan isticmaalka biyaha Soomaaliya si ay uga badbaadaan weerarrada fallaagada Xuutiyiinta.
Afduubkii ugu dambeeyay waxaa loo geystay MV Abdullah, oo Bangladesh laga leeyahay kaasoo la sii daayay ka dib markii la bixiyay lacag madaxfurasho ah oo dhan 5 milyan oo dollar.