Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252
Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46
23-December-2023
Hay’adda la socodka ganacsiga badaha ee Britain ayaa sheegtay in Markab kale lagu af-duubtay meel u dhow xeebaha Soomaaliya, Jimcihii shalay, taasoo sii kordhisay welwelka laga qabo in burcad-badeedda Soomaalida ay mar kale dib usoo laabteen, ku dhawaad toban sano kaddib markii ay qalalaase ku abuureen maraakiibta caalamiga ah.
Markab ganacsi oo yar ayaa koox hubeysan ay ku qabteen meel u dhow degmada Eyl ee xeebaha Puntland, sida ay sheegtay hay’adda ganacsiga badaha Ingiriiska oo soo xigatay mas’uuliyiinta shirkada Markabka iska leh.
Hay’addu ma aysan bixin wax tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan cidda ay ahaayeen afduubayaasha balse waxa ay sheegtay in baaritaan uu socdo.
Ciidamada Badda Midowga Yurub ayaa sheegay in Markab ganacsi oo sitay calanka Malta lagu af-duubtay Badda Gacanka Cadmeed todobaadkii hore, wuxuuna u dhaqaaqay isla aagga xeebaha Soomaaliya.
Markabka Ruen ayaa waxaa saarnaa 18-shaqaale ah, markii laga afduubtay meel u dhow jasiiradda Socotra ee dalka Yemen, oo qiyaastii 240 KM u jirta Soomaaliya.
Mid ka mid ah shaqaalaha markabka ayaa loo daadgureeyay markab ay leeyihiin ciidamada badda Hindiya si ay daryeel caafimaad u helaan, ciidamada badda ee Midowga Yurub ayaa sidaas sheegay.
Sare u kac ayaa ku yimid afduubka burcad badeedda Soomaalida, iyadoo ciidamada Midowga Yurub ay sheegeen in afduubayaasha markab Ruen dalabaadkooda aan la ogeyn wali.
Waa afduubkii ugu horeeyay oo ka dhaca Xeebaha Soomaaliya tan iyo 2017, waxaana Hadda kusoo aadaysaa xili Xuutiyiinta Yemen sidoo kale ay afduubayaan maraakiib ganacsi ee maraya badda Cas.