20- July-2023
Buuq iyo sawaxan ayaa ka dhacay fadhigii barlamaanka Puntland kadib markii dhowr xildhibaan ay soojeediyeen in caasimadda laga raro Garoowe sababo la xiriira amniga.
Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane ayaa BBC u sheegay in soo jeedintooda ahayd in kala fadhigan inta harsan uu baarlamaanka ku shaqeeyo meel aan caasimadda ahayn.
Waxa uu sheegay in qaar ka mid ah xildhibaanada ay soo jeediyeen in kala fadhiga kan xiga lagu qabto meel aan ahayn caasimadda Garoowe kadib shaqaaqadii magaalada maalintii dhaweeyd ka dhacday iyo baarlaanka taas oo dhalisay inuu dagaal ka dhaco gudaha magaalada.
“Maaddaamaa hadda lagu jiro xilliyada fasaxa oo ay maagaladan tahayxarunta ganacsiga iyo siyaasadda Punland ayna imaanayaan dad badan oo ay ka mid yihiin jaaliyadaha dibadda ayaa waxay xildhibaanada qaar soo jeediyeen in kala fadhigan inta harsan uu baarlamaanka ku shaqeeyo meel aan caasimadda ahayn,” ayuu yiri xildhibaan Dhaashane.
Su’aal BBC-da ay weydiisay xildhibaanka oo ahayd: Ma waxaa hadda jira welwel ay ka qabaan oo ah inay dhacaan dhibaatooyin kuwii hore la mid ah? Ayaa isaga oo ka jawaabaya waxa uu yiri:
“Dabcan baarlamaanka waa la weeraray waana hay’addii ugu sarreysay dalka ee sharci dejinta aniga waxaan ka mid ahaa xildhibaanadii wax loo geystay oo mar la isku dayay in la afduubo dhaawacna la soo gaarsiiiay saas oo ay tahay welelka markasta waa jiraa markastoo oo ay jiraan ciidamo is hor fadhiya oo ay magaalada bannaankeeda joogaan, magaalada gudeheedana ay ciidamo ku jiraan magaaladana ay tahay magaaladii caasimadda ahayd oo ay ku nool yihiin dad ka badan 150 kun oo qof runtii welwelka waa iska jirayaa”
Dhanka kale xildhibaanka ayaa sheegay in ay jiraan magaalooyin kale oo amaan ah oo lagu qbaan karo shirarka.
“Waad ogtahay afar magaalo oo waaweyn unbaa la sheegaa oo laamiga maro, kuwaas oo kala ah Boosaaso, Qardho iyo Gaalkacyo dadka wax isku darsaday ee Puntland dhistayna magaalooyinkooda intaa waa ka badan yihiin laftigayago in meel ka mid ah Puntland oo aan ahayn magaalooyinkaas waaweyn in baarlamaanka la geeyo oo ay kulankooda ku qabsadaan wax naga hor istaagayo ma jraan.”
Magaalada madaxa Maamulka Punland ayaa waxaa bishii Juun ka dhacay dagaal khasaare naf iyo maalba leh geystay kaas oo u dhaxeeyay ciidamada taabacsan xukuumadda Punland iyo ciidamo gadoodsan oo kasoo horjeeday in la furo dastuurka maamulka oo uu hoggaaminayay Janaraal Jimcaale Jaamac Takar.