Kaynta Bukima ee bariga Jamhuuriyadda Congo (DRC) oo looga dhawaaqay Farxada dhalashada 2 Gorilla waa maxay sababta ?


Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252

Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46

Thursday “18”November “2021”Source AFP

DRC: Beerta Qaranka ee Virunga waxay ku dhawaaqday in ay dhasheen 2 gorilla

Tirada gorilla buuralayda ayaa kor u kacday shan laab 40 sano gudahood laakiin khubaradu waxay sheegeen in caqabadaha deegaanka ee soo food saaray gorillada buuraha ‘ay wali yihiin’ mid halis ah xayawaankan ayaa la laga cabsi qabay in uu dabar go,o

Maamulka Beerta Qaranka ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) ee Virunga National Park ayaa ku dhawaaqay dhalashada laba gorilla oo buuraleyda ah, horumarkaas oo sii xoojinaya koritaanka noolaha ee noocyada halista ah ee ka socda waddanka.

Ilaaliyeyaasha ayaa muddo dheer raadinayay inay sugaan nabadqabka Gorillaha ku nool buuraha ee goobta dhaxalka ah, xitaa iyadoo rabshado iyo xasillooni darro ay hareeyeen gobollada bari ee Congo DRC tobanaankii sano ee la soo dhaafay.

Nin ka mid ah qoyska Wilungula iyo haweeney ka soo jeeda qoyska Humba ayaa dhashay 15-kii Noofambar, 2021maamulka beerta ayaa Sidaas ku soo dhigay Twitter-ka Arbacadii,shalay taasoo ka dhigeysa tirada dhalmada gorilla tan iyo bishii Janaayo ee sanadklan ilaa 16 gorilla

Gorillaha buuraleyda ku nool ayaa shan jibaarmay 40 sano gudahood Saddexda waddan ee ay ku nool yihiin – DRC, Uganda iyo Rwanda.

Marka loo eego  diiwaannada baarkinka, Gorillaha la qiyaasey waxa ay ahaayeen 58 kaliya sanadkii 1981, taas oo kordhay ilaa 131 2000, 201 2010 kii waxay noqdeen 286 ,halka ay gaaren 350  badhtamihii 2021.

Ururka Caalamiga ah ee Ilaalinta Dabeecadda (IUCN) ayaa dib u eegis ku sameeyay heerka gorilaha buurta ayaa waxa ay sheegeen Guulaha Laga gaarey ilaalinta Gorillaha In ay keentay ka warqabka bad qabka Gorillah inkastoo dhowr kooxood oo hubaysan oohawlgalayay kaymaha uu ku dhaqan yahay Gorillaha ay beegsadeen hadana sabada Congo maanta waxay u dabaaldagaysaa farxada dhalashada Laba Goriila

Beerta ayaa sheegtay in dadaallada ilaalintu ay lahaayeen “kharash maaliyadeed oo muhiim ah” iyo caqabadaha deegaanka ee soo food saaray gorillada buuraha “ay weli sii weyn yihiin” aagga ay ku badan yihiin cufnaanta dadweynaha, faqriga iyo xasillooni-darrada siyaasadeed ee daba-dheeraatay.

SOURCE: AFP

Leave a Reply