Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ahna Guddoomiyaha Xisbiga Sahan ayaa sheegay in hadalkii Madaxweyne Farmaajo maanta ka jeediyay kulankii Baarlamaanka ay ka muuqatay rajo beel iyo in uusan dooneyn heshiis siyaasadeed oo uu la gaaro dhinacyada kale sida dowlad goboleedyada iyo Xisbiyada.
C/kariin Guuled ayaa sheegay in hadalka Madaxweynaha uu dhaawac ku yahay natiijadii shirkii Dhuusamareeb 2 iyo shirka soo socda ee Dhuusamareeb 3.
“Waxaa laga fahmi karay inuusan ugu socon Dhuusamareeb in heshiis la gaaro. Madaxweynuhu uma hadlin sida hogaamiye xaldoon ah, waxna uma hambeyn raga uu rabo inuu kula shiro Dhuusamareeb”ayuu yiri C/kariin Guuleed.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Farmaajo uusan rabin in dalka doorasho ka dhacdo iyo inuu weli ku haminayo inuu helo muddo kororsi, taasoo ah mid aan la aqbali karin, dalkana dhibaato u horseedi karta.
“Sida uu maanta u hadlay madaxweynuhu, dib u dhigistiisa dhismaha xukuumadii fulin la aheyd arrimaha doorashooyinka iyo ballantiisii aheyd inuusan wax go’aan ah ku gaari doonin shirka Dhuusamareeb, waxey cabsi ku tahay dhamaadka mudo xilleedkiisa, waxeyna dhinacyada kale ku qasbi doontaa iney isugu yimaadaan wadatashi ka madaxbanaan Dowladda Dhexe”ayuu yiri.
Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo looga fadhiyo labo arrin midkood, oo kala ah:
1. Inuu ku adkeysto in isaga iyo hay’addaha Dowladda ee Xamar fadhiya ee waqtigoodu dhamaadka yahay iney yihiin cida iskaleh go’aammada doorashada oo aaney cid kale waxba la wadaagin, taas oo salka ku heysa muddo kororsi
.
2. Inuu si niyad sami ah uga qeybgalo shirka Dhuusamareeb 3, oo uu wada xaajood dhab ah la galo madaxda Dowlad Goballeedyada iyo xisbiyada mucaaradka ah si loo gaaro heshiis siyaasadeed oo dalka ku hogaamiya qabsoomidda doorasho loo dhanyahay oo waqtigeedii ku dhacda.
Wixii intaas kasoo hara madaxweynuhu wuxuu sameynaya ismiidaamin siyaasadeed wuxuuna u baahan yahay in gacanta laga qabto, oo dalka la badbaadiyo.