C/lahi kulmiye cadoow Wariye loo xiray waraysi uu qaaday

Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa caawa xiray Wariye C/llaahi Kulmiye Caddow oo ka tirsan Idaacadda Kulmiye.

Wariye C/llaahi Kulmiye ayaa loo heystaa inuu faafiyay war lid ku ah amniga, kaddib markii wareysi uu ka qaaday Xaaji Abuukar Cumar Caddaan, sida saraakiisha amniga ay la xiriiriyeen xarigiisa.

Xaaji Abuukar Cumar Caddaan ayaa wareysiga uu siiyay Idaacadda Kulmiye wuxuu ku taageeray mabda’a ay u taagan yihiin Al-Shabaab iyo in la laayo Ciidamada AMISOM iyo waxa la socda.

Wareysigan oo hordhaciisa laga sii daayay Barta Facebook ee Idaacadda Kulmiye ayaa gebi ahaanba la joojiyay.

Ciidamada Nabadsugida ayaa xalay gurigiisa kala baxay Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo ah nin da’a ah oo naafo ka ah qaarka dambe ee jirka, kuna socda Kursiga dadka naafada lagu qaado, waxaana markii dambe loo wareejiyay Xabsi Guri ay ku ilaalinayaan Ciidanka NISA

Xaaji Abuukar oo la sheego inuu yahay wadaad mayal adagag, ayaa ka mid ahaa taageerayaashii Midowgii Maxkamadaha Islaamka ee sanadkii 2006 qabsaday  Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya,

Sababta loo xiray Ganacsade Xaaji Abuukar ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay, kadib markii uu sheegay inuu taageersan yahay mabda’a ay ku taagan yihiin Al-shabaab, xili uu wareysi siiyay mid kamid ah idaacaddaha ku yaalla Muqdisho.

Sidoo kale Abuukar Cumar Caddaan ayaa sheegay inuu qabo fikir ah in la baaba’sho waxa uu ugu yeeray Gaalada Gafuurka weyn oo ugala jeeday Ciidanka midowga Afrika ee AMIOSM ku sugan Xerada Xalane ee dhex-taalla Garoonka Aadan Cadde.

Leave a Reply