C/raxmaan C/shakuur “Al-Shabaab hubka waa loo geliyay Xabsiga Dhexe, waana qorshe Nabadsugida

MUQDISHO-

SiyaasigC/raxmaan C/shakuur Warsame oo saaka shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay Dowladda inay ku fashilantay amniga oo ay sugi la’dahay xabsiyadeeda.

C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in dagaalkii ka dhacay Xabsiga Dhexe uu tusaale u yahay heerka xaalada amni ee uu dalku marayo.

Waxaa uu sheegay in qorshe gaar laga lahaa dagaalkii ka dhacay Xabsiga Dhexe, gaar ahaan in la doonayay in laga fakiyo xabsiga xubno Al-Shabaab ah.

Sidoo kale waxaa uu ku eedeeyay Hey’adda Nabadsugida inay ka dambeysay qorshayahaas lagu fakinayay xubnaha Al-Shabaab ee xabsiga ku xirnaa.

“Al-Shabaab ayaa hub loo galiyay Xabsiga dhexe ee Xamar, waana qorsho Nabadsugidda ka dambeyso madaama ay ku milan yihiin ragga ka tirsan Al-Shabaab”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha soo socda howlaha laga sugayo waxaa ka mid ah inuu  la xisaabtamo waxa uu ugu yeeray Taliska fasahaadsan ee Nabadsugida ee hoggaan xumada la dalaa,dhacayo sida uu yiri.

Maalintii shalay ayay aheyd markii xubno ka mid ah Maxaabiista Al-Shabaab ee ku jira Xabsiga dhexe ay hub heleen, kadibna la dagaalameen Ilaaladii xabsiga, qaarna dilay, qaarna dhaawacay, iyadoo aanay weli dowladda ka hadlin qaabka wax u dhaceen khasaaraha ka dhashay dagaalka muddada saacadaha ah ee ka socday xabsiga dhexe

Leave a Reply