28″ February “2023
Ciyaal-Weero ayaa Boos weeyn oo Amni daro Muqdisho ka degay Iyadoo ololihii ciribtirka Argagixisada Al-Shabaab uu noqday mid caajis galay Dheeho.com
Cabasho & Qeyla dhaan amni-daro ayaa Muqdisho ka soo yeeraya
“Duulaankii ciribtirka Argagixisada shabaab ee deegaanada Galmudug waxa uu isugu soo ururay Go,adoominta Ceelbuur & Galhareeri ,
Hirshabeele deegaanadii la xoreeyay argagixisada shabaab ayaa weeraro rogaal-celis ah ku biloowday
Muqdisho Alshabaab ayaa Fursada Muhiim ah ka helay door ku yeelashada sugida Amniga hadaba Maxaa Khaldamay ?
Waxaa hoos u sii socda kalsoonidii Madaxweyne Xasan shiikh loo qaaday kadib ku soo laabshadiisa xaafiiska go,aankiisii Amniga ee Mudnaanta koowaad lahaa
Masuuliyad darro weyn ayaa ka jirta magaalada ugu dadka iyo dhaqaalaha badan Soomaaliya. Dadweynuhu waa u dulqaadan la’yihiin meydadka ay maalin walba xabaalayaan ,
Dowlada Madaxweyne Xasan Sheekh iyo shacabkii taageerad u fidiyay inay ‘kala dhintaan hadii uu xaalku sidaas ku sii socdo iyadoo ay suurtagal tahay inay jiraan shaqsiyaad dowlada Ka mid ah oo qaloocinaya waxqabadkii bulshada filaysay iyo wadashaqeyntii dowlada shacabka
Xamar waxaa wax ku dila Al-Shabaab, Ciidanka Dowladda iyo Daacish, waxaa kale oo hadda kusoo biiray burcad la baxday ciyaal-weero.
Magaalada Muqdisho guri iyo goob ganacsi oo aan la canshuurin ma jiraan, haddana guri iyo goob ganacsi oo bad-qaba ma lahan Caasimada Online ayaa sidaas tiri Dhameeystirka sheekada waxaad ka fiirisaa Dheeho.com
Shirqoolka, dilalka tooska ah iyo afduubka gabdhaha yar yar ayaa caadi ka noqday magaalada Muqdisho dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay.