Cabdikariin shiiq muuse Qalbi-Dhagax oo muqdisho soo gaaray ayaa si weeyn loo soo dhaweeyay

12″ May”2022″ Muqdisho”

Cabdikariin Shiikh Muuse Qalbi-dhagax ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho oo muddo fog ugu dambeysay magaalada.

Qalbi dhagax ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Wasiirada Amniga, Gaashaandhigga iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya

Lama oga sababta uu Muqdisho u yimid Qalbi dhagax, balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in Cabdikariin Shiikh Muuse Qalbi dhagax uu ka qeyb geli doono doorashada madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya, islamarkaana uu khudbad ka jeedin doono.

28-kii Bishii August ee sanadkii 2017 ayaa loo gacan galiyay dawladda Itoobiya Cabdikariim Shiikh Muuse Qalbi Dhagax .

Socdaalka Qalbi dhagax ayaa imaanaya xilli 15 bishan lagu wado in magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya

Ujeedka safarkiisa magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in uu ka qeyb gali doono doorashada madaxweynaha oo la filayo inay dhacdo 15-ka bishaan May, iyadoo imaanshihiisa Caasimada ay noqoneyso kii ugu horreeyay tani iyo markii dowladda Soomaaliya ay u gacan galisay Xukuumadda Adis-ababa.

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliyana sanadkii 2017-kii wuxuu sharci darro ku tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay Ethiopia u dhiibto Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) oo ka tirsanaa saraakiisha ururka ONLF, wuxuuna u saaray guddi soo baaro qaddiyadda Qalbi-dhagax.

壯陽藥

Wuxuuna baarlamaanku xilligaa sheegay in hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugiddu ay kaligeed maareysay gudbintii Qalbi-Dhagax, iyadoo hay’addu aanay madaxda sare siin xog rasmi ah.

Ilaa 5 sargaal oo kale oo sarsare ayaa 20-kii sano ee la soo dhaafay laga qabtay gudaha Soomaaliya, kuwaas oo laga qabtay magaalooyinka Hargeysa, Boosaaso, Gaalkacayo iyo Guriceel sida ay sheegeen ONLF. Waxaa sidoo kale jirey dad jabhadan ka tirsanaa balse aan

Leave a Reply