25″ March ” 2021″ BBC
Saraakiil sare oo ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maalintii Arbacadii ku soo dhaweeyey magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo, wasiirkii hore ee amniga maamul goboleedka Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur oo ku magac dheer Janan.
Wasiiru dawlaha gaadiidka, Cabdiraxmaan Dheere iyo wasiir ku xigeenka warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, oo hoggaaminaya wefti ka socda dawladda iyo saraakiisha maamulka degmada ayaa Cabdirashiid Janan ku qaabilay magaalada.
Cabdirashiid Janan waxa la socday ciidamo faro badan oo isaga ka amar qaata, kuwaas oo dhawr jeer oo hore dagaalo la galay ciidamada dawladda. Waxaanay dawladu sheegtay in ay ciidamadaasi ka mid noqon doonaan ciidamada dawladda.
Janan ayaa horey ugu eedeynaa “dembiyo dagaal” balse ma cadda sida dacwaddii maxkamadda laga yeelayo iyo waxa dhabta ah ee isaga iyo dowladda ay ku heshiiyeen. Laakiin warbaahinta qaar ee dowladda waxay hadalka u dhigeen in “uu isa soo dhiibay”.
Haddaba, ma isa soo dhiibay mise heshiis buu qaatay?
Wareysi uu siiyay BBC Somali, Cabdirashiid Janan wuxuu ku sheegay: “Dawladda Soomaaliya waxaan ku heshiinay in khilaafkii la af-jaro, laga heshiiyo shacabka Soomaaliyeed na loo turo.”
“Dawladnimada ummada Soomaaliyeed mudo ka maqnayd oo furaheedii hadda la helay, laga wada shaqeeyo sida qaranimadeedii iyo sharafteedii loo soo celin lahaa, khilaafkana la xiro.” Ayuu yidhi Janan oo hadalkiisu u ekaa in heshiis uu la galay dowladda.
XAYEEYSIIN
Wuxuu tilmaamay in dowladda ay muddaba dooneysay in la xalliyo khilaafka. Wuxuu yidhi “xaqiiqiyan mudo dheer oo sannad ka badan waxay dawladda dhexe u taagnayd in arrintaan la xaliyo, arintaas iyada ahna maanta ayuu Ilaahay suurto geliyey”.
Balse, bogga Facebook ee telefishinka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu qoray in Janan isa soo dhiibay.
Dhanka wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, oo la hadlay laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da, ka dib markii ay kulmeen Janan, wuxuuna sheegay in arintaa lagu gaadhay heshiis muddo laga shaqaynayey, kaas oo suurto geliyey in haatan Cabdirashiid Janan iyo ciidamadii uu hoggaaminayey ay u wareegeen dhanka dawladda.
Hadalkaas wuxuu u muuqdaa mid meesha ka saaraya in Janan isa soo dhiibay, balse uu ku yimid heshiis labada dhinac dhexmaray. Si kastaba, lama garanayo waxa dhabta ah ee ay ku heshiiyeen.
“Dedaal mudo dheer soo socday oo wadahadal uu dawladda la lahaa ayaa si guula ku soo dhamaaday. Markaa wasiirka iyo dawlada heshiis rasmiya ayaa dhex maray. Waana dhamaadeen wixii madmadow ama khilaaf ahaa ee wasiir Cabdirashiid iyo dawladda ka dhex jiray,” Ayuu yidhi wasiir Al-Cadaala.
Isaga oo ka jawaabayay su’aal ahayd waxa ay ku heshiiyeen in uu faahfaahiyo, waxa uu yidhi: “Waxaan ku heshiinay in si wada jir ah nabadgelyada iyo midnimada ummada Soomaaliyeed iyo gobolka Gedo looga shaqeeyo.
“Dabcan tanaasul xagiisa ka yimid oo la xiriira duruufaha iyo marxaladaha wadanku uu ku sugan yahay iyo dabcan dededaal ay dawladdu ku bixisay sidii isfaham looga gaari lahaa arimahaa, ayaa arintaasi ku timid,” ayuu yiri.
Janan ayaa dowladda dagaal kula jiray tan iyo markii uu ka baxsaday xabsigii Muqdisho ee uu ku xidhnaa. Cabdirashiid Janan wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu caansan maamulka Jubbaland ee tiirarka adagna u ahaa, hase yeeshee haatan wuxuu u wareegay dhanka dowladda.
Janan waxaa horey u eedeeyay hay’adaha xuquuqda aadanaha oo sheegay “in uu dembiyo dagaal ka geystay gobolka Gedo”. Arrintaa waxay ka mid ahayd sababihii ay dowladda Federaalka u xirtay.
Hay’adaha oo markii uu xabsiga ka soo baxsaday ka dib ka dalbaday Kenya in Janan ay ku wareejiso Soomaaliya si “cadaaladda loo mariyo”, ayaa hadda markale ku celisay in cadaalad ay helaan ehellada dhibbaneyaasha.
Warqoraal ah oo barteeda Twitter-ka ku qortay waxay ku tidhi: “Maadaama hadda uu Cabdirashiid Janan ku jiro gacanta dowladda federaalka Soomaaliya, waa in la xaqiijiyo in caddaalada la waafajiyo lagulana xisaabtamo dhammaan eedaha lagu sheegay ee xadgudubyada bani’aadannimo ee ka dhacay Gedo.”
“Dhibbaneyaasha iyo qoysaskii ay dhibaatadu gaadhay waxay mudan yihiin in ay caddaalad helaan.”
Waayihii uu soo maray Cabdirashiid Janan?
Bartamihii sagaashameeyadii ayuu isagoo da’yar waxa uu ku biiray ururkii Al-Itixaad ee gobolka Gedo kaas oo waqtigaas la dagaallamayay ciidammada Itoobiya ee gacanta siinayay kuwii ururkii SNF ee la wareegay degmooyiinka Baledxaawo, Doolow iyo Luuq ee gobolkaasi.
Muddo ka dib, markii laga adkaaday ururka Al-Itixaad, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) wuxuu dhexdhexaadin ka dib, uu dib ugu laabtay magaalada Doolow ee Soomaaliya halkaas oo uu ka talin jiray maamul gacan saar la lahaa dowladda Itoobiya.
Waa halka uu ka helay fursaddiisa maamul. Waxaa muddo yar ka dib loo magacaabay gudoomiyaha degmada Doolow, taasna waxay u sahashay inuu udub dhexaad u noqdo siyaasadda gobolka Gedo oo intiisa badan ay gacanta ku hayeen ciidammada Itoobiya.
Mudadii uu maamulayay magaalada wuxuu wax badan ka qabtay ammaanka iyo in xarun uu degmada uga dhigay hay’adaha samafalka ee ka shaqeeya Koonfurta Soomaaliya taas oo fursado shaqo u abuurtay dhalinyarada deegaankaasi.
Tacaddiyada lagu eedeeyay
Cabdirashiid Janan dadka dhaleeceeya waxa ay ku eedeeyaan inuu gacan bir ah ku qabto dadka maamulkiisa ka soo horjeesta amaba su’aal galiya sida uu wax u maamulo.
Waxaa lagu eedeeyay inuu gaystay tacaddiyo ka dhan ah aadaha; waxaa ka mid “in uu dilay dad maxaabiis ahaa oo u xirnaa maamulkiisa”, sida ay sheegeen hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha.
Hay’ad u doodda xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay in wasiirka amniga Jubbaland ay tahay “in uu gurto miraha cadaaladda ee ay helaan dadkii uu dhibaatada u geystay”.
Hay’adda Amnesty International oo u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay in Cabdirashiid Janan “looga shakisan yahay in uu masuul ka ahaa dembiyo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah iyo xadgudubyo halis ah oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha”.
“Waxaa ka mid ah carqaladeynta kaalmada bini-aadamnimo,” ayuu yiri Agaasime ku xigeenka hay’adda Amnesty International ee Bariga Afrika, Seif Magango.
“Xarigga Cabdirashid Janan waa tallaabo muhiim u ah isla xisaabtanka la xiriira xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee muddada sanadaha ah la geysanayay iyadoo ciqaab aysan marin kuwii ka dambeeyay ee ah dadka awoodda leh ee Soomaaliya”, ayuu yiri Seif Magango.
“Baaritaanka iyo maxkamadeynta Cabdirashiid Janan waa in ay horseedaan xilli ay cadaalad helaan dadka dhibanayaasha ah ee xuquuqdooda aadanaha lagu tuntay iyo qoysaskooda ku sugan Soomaaliya”, ayuu hadalka ku sii daray.
- Cabdirashiid Janan oo ka warramay qaabkii uu xabsiga uga soo baxsaday
- Booliska caalamiga ee INTERPOL oo la weydiistay soo qabashada Cabdirashiid Janan
Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu xiray uuna musaafuriyay qaar ka mid ah dad ku noolaa magaalooyiinka uu ka taliyay ee maamulkiisa uu gaaray.
Eedahaas waxaa ka mid ah dagaal bartimihii sannadkii 2016 ka dhacay magaalada Baledxaawo halkaas oo lagu dilay laba qof iyo lix kalana lagu dhaawacay ka dib markii “ciidammada Jubaland ay weerrareen maleeshiyo ay sheegeen inay isku uruursanayeen magaalada”.
Hay’adda dabagalka ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya iyo Eritrea ayaa warbixinnadoodii 2016 iyo 2017 ku eedeeyay Cabdirashiid Janan “Xadgudubyo halis ku ah xuquuqda aadanaha”.
Sidoo kale waxay la xiriiriyeen “Abaabullidda carqaladeyn ka dhan ahayd kaalmada bini-aadamnimo” muddadii u dhexeysay 2014 iyo 2017.
Waxaa ka sii horraysay eed aheyd inuu si bareer ah u toogtay oo maydkoodana uu bannaanka ku tuur afar qof oo haweeney ay ka mid aheyd oo ku jiray xabsiga degmada Doolow, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay kooxda dabagalka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Eretria.
Dhammaan eedahaasi Cabdirashiid Janan gaashaanka ayuu u daruuray wuxuuna sheegay inay warar aan jirin buunbuubinayaan dadka diiddan sida wanaagsan ee uu wax u maamulo, inta badanna dadka deegaannada uu ka taliyana ay isaga taageersan yihiin.