Cabdiraxmaan Cabdishakuur; “Farmaajo waxa uu qorsheynayaa inuu 34,ta xubnood ku soo bedesho kuwo kale,”

7″ June” 2021 ” Monday” Muqdisho

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir oo ka mid ah Midowga Musharaxiinta Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka digey in 34ta xubnood ee guddiga farsamada laga saaray in lagu soo bedelo kuwo la mid ah.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo soo dhigey qoraal bartiisa Facebook ayaa ku tilmaamay tallaabo hormar leh ia saarista 34tan xubnood halka uu qoraal uu shalay soo dhigey bartiisa uu kaga soo horjeestey ka saaristan.

“In ka badan lix bil ayey Dowladda Federaalka ah inkarsaneyd in guddiyada doorashooyinka ay ku jiraan nabadsugid, shaqaale rayid ah iyo taageerayaal Madaxweynaha xilligiisa dhammaaday. Maanta waxay qirsanyihiin 34 ka mid ah oo seddaxda qaanad ku kala jira, in aysan soo buuxinin shuruudihii heshiiska doorashooyinka. Waa tilaabo horumar leh.”ayuu ku bilaabay qoraalkiisa Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Hase yeeshee musharaxan ayaa ka digey in lagu soo bedelo xubnahan kuwo la mid ah oo aan waxba dhaamin.

“Laakiin hindisihii kooxda N&N ee guddiyada doorashada 20% ayaa kashifantay, waxayna qorsheynayaan in ka soo kabtaan oo ay 34 ta xubnood ku soo bedeshaan kuwo kale, maadaama uusan jirin habraac heshiis lagu yahay oo lagu turxaan bixiyey xubnaha guddiga laga saaray iyo kuwa lagu soo beddeli doono intaba.”
Qoraalkisa maanta ayuu waxaa ka muuqata soo dhoweyn in uu fikirkiisa hore bedelay

Iyadoo inta kale musharaxiintana ay qaarna soo dhoweeyeen wax ka bedelka gudiga doorashada halka kuwa kalana ay ka aamuseen.

“Tan kale, Guddiga waa billawga fulinta heshiiska doorashada, ee ma aha dhammaadkii. Waxaa dhiman waddo dheer oo ay caqabado badan ku horgudban yihiin.Haddii aan habraaca (process) ka maanta la sixin, waxa imaaneysa in berri laga shallaayo, waxaana dhici doonta in dad maanta faysteynaya la arko iyagoo beri qaylinaya. Ma aha in lagu kadsoomo ballanqaadyada afka baarkiisa ah iyo wirwirka dhalanteedka ah. Waxaan u taagannahay in lagu dhabar adaygo sidii lagu heli lahaa habraac daahfuran oo hehiiska doorashada lagu meelmariyo, lagana digtoonaado in Farmaajo faro kale doorashada ku musuqmaasuqo.”ayuu qoraalkiisa ku soo gunaanaday Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Leave a Reply