1″January“2022″ Muqdusho
Madaxweynaha Koonfur Galbeed cabdicaiis Lafta-gareen oo horey ugu gacan seeyray ka qaybgalka shirks Golaha wadatashiga qaran ayaa gaaray Magaalada Muqdisho, .
Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa Lafta-gareen waxaa kusoo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda xilgaarsiinta, Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Federaalka.
waxaa uu yahay ka qeyb galka Shirka uu iclaamiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble oo ka dhacaya Muqdisho, kaasi oo looga hadli doono saxida doorashada iyo dhammeytirkeeda
Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa ku sugan Madaxweyneyaasha maamulada Jubbaland, Puntland, Hirshabeelle iyo Galmudug, iyagoo ka qeyb galaya Shirka doorashada ee uu dhawaan ku baaqay Ra’iisul Wasaare Rooble.
Madaxweyne Lafta-gareen ayaa todobaadkii hore si cad u diiday inuu ka qeyb galo shirka Wadatashiga Qaran ee uu ku baaqay Ra’iisul Wasaaraha, isagoo xusay inuu ka qeyb galayo shirka uu Madaxweyne Farmaajo ku baaqay, oo ahaa mid lagu dhabar jebinayay shirka uu horay u iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha
Xaalka siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa u muuqda mid cakiran, xilli uu kilhaaf cusubi soo kala dhexgalay Madaxweyne Farmaajo iyo Raysalwasaare Rooble, kaas oo gaadhsiisan in dhinac dhinaca kale ku eedeeyo dastuur jabin. Madaxweynaha ayaaa sheegay in uu shaqada ka joojiyey raysalwasaaraha, halka raysalwasaaruhuna sheegayin ‘madaxweynihii hore’ isku deyayo in uu dalka carqaladeeyo.
Tan iyo markii khilaafkaasi soo baxay dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ayaa muujinayey halka ay arrinta ka taagan yihiin, hadday tahay siyaasiyiin, madaxdii hore, xildhibaanno iyo dabcan qaar ka mid maamul goboleeddada.
Maamullada Jubaland iyo Puntland kal horeba waa ay caddeeyeen mawqifkooda iyaga oo sheegay in ay u hoggaan san yihiin shirka wadatashi ee uu ku baaqay Raysalwasaaruhu.
Halka Koonfur Galbeed ay si badheedh ah u caddaysay u in aanay ka qayb galayn shirka uu cilaamiyey Raysalwasaaraha, halka dhanka kale ay diyaar u tahay “baaqa Madaxweynaha si looga tashado sidii lagu samatabixin lahaa geeddiga socodka doorashooyinka dalka.” ayaa ku yidhaahdeen warbixintii ka soo baxday, taas oo caddaynaysa in ay la safan yihiin khilaafkan dhanka madaxweynaha.
Waxaa se saddexdaa maamul sida ay u caddeeyeen mawqifkooda aan u caddayn labada maamul ee Hirshabeelle iyo Galmudug.
Dad badan ayaana u arka in labadan ay ka muquuranayaan xaaladda taagan, iyaga oo raba in aanay sida maamulladan kale u caddayn labada dhinac, dhinaca ay u hoggaansan yihiin ama u jandjeedhaan.
Maxaa ku qasbaya haddaba in ay sidaa yeelaan?
Cabdi Faarax Siciid Juxa, waxa uu hore u soo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dawladda Federaalka, waxaannu weydiinnay bala waxa ay tahay caqabadda gaarka ee ka hor istaagaysa in ay mawqif cad qaataan, xilligan dalku ku jiro xaalka adag.
Juxa ayaa qaba in labada maamul labada dhinac ee uu dhaxeeyo khilaafka siyaasiga ay labada midba dan ka leeyihiin, isla markaana aanay rabin in dhan isku diraan.
“Haddii loollan siyaasadeed yimi, labadaan maamul ee Hirshabeelle iyo Galmudug waxaa lagu tuhmi karaa in dadka siyaasadda ku loollamaya ee musharixiinta ahi aya ka soo jeedaan labadaan gobol, Villa Somalia-na ay tahay niman ay abaal gashatay oo xilka markii ay imanayeen ay caawisay oo siyaasadda ugu hiilisay ahaan, sidaa darteed ay jecel yihiin in ay ku noolaadaan legga jecli lugta jecli oo ku noolaadaan dhexdhexaad ahaadaan, oo dhinacna ay eed ka gelin. Villa Somaliya aysan ka abaal dhicin, ragga ay gobolka ka soo wada jeedeenna aanay eed ka galin” ayuu qabaa Cabdi Faarax Siciid Juxa.
Axmed Macallin Fiqi, oo wasiir ka soo noqday Galmudug ayaa isna xaaladda haysataa maamulladaas ku qeexay in ay tahay kala aragti duwanaan u dhexaysa madaxda maamulladas iyo sida ay danaynayaan shacabkoodu.
“Maamulladan iyo kuwaa kale dabeecaad ahaan waa ay kala duwan yihiin, hadday tahay qaabka madaxdoodu ay ka timi, sida ay dadkooda u metelaan iyo waxa ay ka turjumaan intaba aad bay u kala duwan yihiin. Dadka deegammaddan deggan Hirshabeelle iyo Galmudug hoggaamiyayaashoodii ugu waaweynaa waxa ay joogaan muqdisho. Markaa iyagu go’aan Villa Soomaaliya ka dhan ah ma qaadan karaan, go aan ka shacabkooda ka soo horjeedana ma qaadan karaan. Sidaa darteed ayay muluc muluc ugu jiraan.