Afhayeen u hadlay Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa Jimcihii sheegay in dhamaadka cudurka COVID-19 uu yahay mid ka fog,inta la maleeynayo

18″ March ” 2022″ REUTERS

DARYEEL CAAFIMAAD U DOONO DARAJAAT HOSPITAL

GENEVA, Maarso 18 (Reuters) – Afhayeen u hadlay Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa Jimcihii sheegay in dhamaadka cudurka COVID-19 uu yahay mid ka fog,inta la maleeynayo isagoo tixraacaya kororka kiisaska xogteeda toddobaadlaha ah ee ugu dambeysay

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan caafimaadka ayaa hore u sheegtay in marxaladda ba’an ee masiibada ahi ay dhammaan karto sannadkan, balse ay ku xidhan tahay sida ugu dhakhsaha badan ee aan u gaarno yoolkeeda ah in la tallaalo 70% dadweynaha waddan kasta,oo aduunka ka mid ah

Sidaas ooy tahayna Calanka WHO ayaa lagu sawiray inta u dhaxaysa wareegyada doorashada Agaasimaha Guud ee cusub ee Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) inta lagu guda jiro shirka 70aad ee caafimaadka Adduunka ee Qaramada Midoobay ee Geneva

Mar la weydiiyay wariye ku sugan shir jaraa’id oo ka dhacay Geneva oo ku saabsan waqtiga dhamaadka masiibada, Margaret Harris waxay sheegtay inay “aad uga fog tahay”. “Xaqiiqdii waxaan ku jirnaa bartamaha masiibada,” ayay raacisay.