Cali Guudlaawe ayaa Amar Ku Siiyey Laamaha Amniga Hirshabeelle adkeeynta nabadgalyada xili uu isu diyaarinayo in uu Ku dhawaaqo liiska xubnaha doorashada aqalka sare

Wednesday 1″ September “2021 ” Jowhar

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa shir gudoomiyay kulanka guud ee amniga ee deegaanada Maamulkaas oo Maanta ka dhacay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa kulankan muhiimka ah ee amniga warbixin guud uga dhageystay saraakiisha Hay’adda amniga Hirshabeelle, iyadoo kulankaan looga hadlay amaanka deegaanada Hirshabeelle, sameynta Howlgalo qorsheysan, adkeynta Amniga musharixiinta, iyo xaqiijinta Nabad galyada Magaalooyinka Jowhar iyo Beleddweyne oo ay ka dhacayaan Doorashooyinka.

Saraakiisha Hay’addaha Amniga ayaa madaxwaynaha la wadaagay howlgalo qorsheysan oo Hay’adaha Amaanka sameeyeen, is looga shaqeeyo nabad galyada Caasimada iyo Guud ahqaan Magaalooyinka Hirshabeelle.

Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa ugu dambeyn Saraakiisha Amniga faray inay laba laabaan howlaha shaqo ee loo igmaday adkeeyaana amn犀利士 iga guud gaar ahaan kan Jowhar, maadaana maalmaha soo soacda ay ka dhaceyso Doorashada Aqalka Sare.

Kulankaan ayaa waxaa qeybgaleen Wasiirka Amniga Gudaha, Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, Taliyaha Guutada 3aad qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Hirshabeelle, Taliska Booliska, Saraakiisha Amisom ee Secter five, iyo Howlwadeenada Xafiiska Madaxweynaha,

Guudlaawe oo La Filayo Inuu Ku Dhawaaqo Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu ku dhawaaqo Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee laga soo dooranayo Maamulkaas.

Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxweyne Cali Guudlaawe uu Magaalada Jowhar ka wado latashiyadii ugu dambeeyay ee ku soo saarayo Liiska Musharaxiinta, isagoona kulamo la qaatay Waxgaradka iyo Siyaasiyiin.

Kursiga ugu adag ee Senatorada Aqalka Sare ee laga soo dooranayo Hirshabeelle ayaa ah kan haatan uu ku fadhiyo Muuse Suudi, waxaana kula loolamayo ilaa iyo Afar Musharax oo kala ah Cabdullaahi Sheekh Sheekh Xasan, Muxudiin Xasan Afrax iyo Axmed Daaci.

Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa ka socda diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee doorashada Aqalka Sare, waxaana halkaas kusii qul-qulaya Musharaxiin farabadan oo dooneysa inay noqdaan Senataro.

Maamulka Hirshabeelle ayaa noqday maamulka kaliya ee aan weli baalin doorashada Aqalka Sare, halka ay horey u qabteen maamulada Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, waxaana doorashada kuraasta Aqalka Sare dhameystiray saddex maamul

Leave a Reply