Cali Guudlaawe oo gaaray qeybaha ay fatahaaddu ka dhacday ee Beledweyne,

10″ May”2023

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa gaaray qeybaha ay fatahaaddu ka dhacday ee Beledweyne

Madaxweynaha Hirshabeele oo ay wehlinayaan Hoggaanka Gobolka Hiiraan & Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed & ATMIS ayaa booqday qeybaha ay fatahaaddu ka dhacday ee Beledweyne, si ay u qiimeeyaan baaxadda burburka iyo isku xirka gurmadka loo fidinayo dadka dhibaateysan.