Cali Guudlaawe oo codsatay gurmad dib loogu dhisayo isbitalka Beledweyne

28″ March “2022” Jowhar

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle  Cali Guudlaawe Xueeen ayaa maanta kormeer ku tagay Cusbitaalka guud ee Magaalada Beledweyne oo burbur xoogan uu kasoo gaaray weeraro ay argagixisadu la eegteen.

Madaxweynaha oo kormeerka uu ku wehliyay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cusmaan ayaa mid mid u kormeeray qeybaha kala duwan ee Cusbitaalka oo burbursan dhamaana ay baaba’een wixii qalab iyo daawo ahaa ee cusbitaalka yiilay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo indha indheeyay goobaha ganacsi ee ku burburay qaraxyadii lagu bartilmaameedsadeen cusbitaalka guud ee Magaalada.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn Dowladda Federaalka, jaaliyadaha Hirshabeelle iyo bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qeyb qaataan dib u howlgalinta Cusbitaalka guud ee Gobolka oo burburay maanta aan bixin karin wax adeeg caafimaad ah.