17″ July 2022″ Jowhar
Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen ayaa cambaareeyay qaraxii maanta lala beegsaday Hoteel ay ku su壯陽藥 gnaayeen Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle, kaasi oo ka dhacay Magaalada Jowhar.
Guudlaawe oo la hadlay Warbaahin ayaa sheegay in qaraxa khasaare kala duwan uu sababay, isla markaasna ay burbureen dhammaan dhismayaashii ka agdhowaa Hoteelka lala beegsaday oo ku yaalla Bartamaha Jowhar.
Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku dhintay, halka in ka badan 20 kalena ay ku dhaawacmeen qarax, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabeelle.
Madaxweynaha ayaa tacsi u diray dadka ku dhintay Qaraxa, isla oo dadka ku dhaawacmay u rajeeyay caafimaad deg deg ah.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa faray laamaha amniga inay iska kaashadaan xoojiyaan iyo adkeynta amaaanka, isla markaasna ay xog dhameystiran ka keenaan sida ay wax u dhaceen.