Cali Guudlaawe oo tagey Cali Fooldheer oo ah deegaan lagu jabiyay Alshaab

26- September-2023

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa gaaray deegaanka Cali Fooldheere ee gobolka Shabeellada dhexe, isago la hadlay Ciidanka Qaranka iyo Xoogagga xoreynta deegaanka.

Cali Guudlaawe ayaa Ciidanka Qaranka iyo dadka deegaanka ku ammaanay doorka ay ka qaateen la dagaallanka Al-Shabaab iyo sida ay ugu babbac dhigeen cadowga.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay in inta yar ee halganka ka hartay ay dhammaystiraan, si looga xoreeyo deegaanada ay ka joogaan halkaas

Ma犀利士 daxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa sidoo kale dalbaday in laga wada qayb qaato dagaalka socda, cid kastana uu waajib ka saaran yahay xoreynta dalka.

Leave a Reply