Canshuurta iibka oo maanta si rasmi ah uga dhaqan-gashay Muqdisho xilli laga gadooday

Qaar kamid ah shacabka ku dhaqan Muqdisho ayaa ka hadlay go’aanka kasoo baxay dowladda ee ku aadan qaadista canshuurta iibka oo dhan 5%.

Dadweynahan oo la hadlay Shabelle Tv ayaa ka horyimid canshuurta cusub ee ay soo rogtay wasaaradda maaliyadda, taas oo maanta ay bilaabaneyso dhaqangalkeeda.

Barnaamijkan canshuurta ah dowladda oo kaliya ayaa faa’iido ku qabto wax shacabka uu faa’iido ku qabo malaha, marka dowladda shacabka iyo dhalinyaradu waa dhageysan waysay” ayuu yiri mid kamid ah dhalinyarada ku dhaqan magaalada Muqdisho.