Tuesday:” 30, 2021″Qayb ka mid warbxintan waxaa is a leg Bbcsomali
Hadal hayn iyo caro ayaa ka dhalatay hadal uu dhawaan sheegay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Maxamed,oo ku magac dheer “Boqor Buurmadoow” kana mid ah odayaasha dhaqanka ee u nool Jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland. Boqor Buurmadoow oo socdaal ku jooga magaalada Muqdisho ayaa dhawaan jeediyay hadal uu ku sheegay in’Shabaabka’ ay madax ka yihiin beeshiisa isla markaana ku tilmaamay ‘dowlad aanan lagu tartamin’.
Danjire yuusuf garaad oo boqor buur madoow in uu raaligalin ka bixiyo hadalkii ka soo yeeray
“Allaha u naxariistee waxaa dhacday markuu dhintay Axmed Cabdi Godane hoggaamiyihii Xarakada Al-shabaab,BBC-da ayaa salaadiintii oo dhan soo wacday nin walba inuu ka hadlo waa ka carareen. Waan u tacsiyadeeyay waxaan iri ninkaas isku mabda’ maanu aheyn isku caqiiddo maanu aheyn isku meellna umaanna wada jeedin laaknin nin tolka ah oo reerka ka dhintay ayuu ahaa isaga”.
Boqor Buurmadow ayaa intaa ku daray, “mararka qaarbey igu yiraahdaan Soomaalida kale war qolladiinaan Dir miyaadnan han lahynoo Madaxweyne iyo ra’iisul Wasaare doonan karin waxaan iraahdaa war laba dowladoodbaa meesha ka dhisane dowladda Shabaabka Dirbaa madax ka ah oo waliba laguma tartamo”
Hadalkaasi ayaa hadal hayn badan dhaliyay. Mas’uul kamid ah maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in uu gudbiyay dacwad ka dhan Cismaan Aw Maxamuud Maxamed “Boqor Buurmadow si loo soo xiro.
Dadka ka hadlay arrintan waxaa kamid ah wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad oo ugu baaqay Boqor Buurmadow in uu raaligelin ka bixiyo hadalka.
Wax yar ka dib, Boqor Buurmadow ayaa maanta raaligelin ka bixiyay hadalkan dhaliyay carada isagoo ku sheegay inuu ahaa mid “kaftan ah oo la siyaasadeeyay.”
Kumaa ahaa Godane
Haddaba Kumuu ahaa Axmed Cabdi Godane hoggaamiyihii Al-shabaab ee ka soo jeeday gobollada Waqooyi.
Axmed Cabdi Godane, hogaamiyihii hore ee Shabaab ayaa duqeyn Mareykanka oo ka dhacday koonfurta Soomaaliya lagu dilay sanaddii 2014-kii.
Boqor Buurmadow ma ka tanaasulay qaddiyaddii Somaliland
Waxa uu ku dhashay magaalada Hargeysa halkaasi oo uu ku qaatay dugsiyada hoose ,dhexe iyo sare. Horraantii sagaashamaadkii Axmed Godane waxa uu ka mid ahaa dhallinyaro ku guuleystay deeq waxbarasho oo uu ku deeqay Muftiga weynaa ee Sacuudiga Shiikh C/casiis C/laahi Binbaaz, waxana uu waxbarsho u tagay dalalka Sudan iyo Pakistan. Wuxuu shahaadada koowaad ee jaamacadda kaga qaatay jaamacadda International Islamic University ee ku taalla magaalada Islamabad ci壯陽藥 lmiga dhaqaalaha .
Axmed Godane isaga iyo labo nin oo kale, oo mintidiin ahaa oo midkood uu ahaa Ibrahim Afgaani, ayaa waxa ay dhaqdhaqaaq Islaami ah ka billaabeen Hargeysa oo ay ku soo noqdeen sanadkii 1997-dii, iyaga oo xilligaasi afkaartoodu ay aad uga horjeeday Madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal.
Axmed Godane waxa uu yimid koofurta Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho sanadkii 2002, laakiin magaalada oo u kala qeybsaneyd Hogaamiye kooxeedyo si fudud uguma hirgalin damacoodii ahaa inay dhisaan urur dhaqdhaqaaq Jihaad ka billaaba halkaas.
Xilligii Maxkamadaha Islaamiga, Axmed Godane waxa uu ahaa Xoghayihii Guud ee Maxkamadaha Islaamiga . Waxa uu hoggaanka Alshabab kala wareegay Ismaaciil Caraale oo ahaa hogaamiyihii ugu horeeyay ee Al-shabab kaas oo Mareykanku ay xireen lana geeyay xabsiga Guantanemo kadib markii lagu qabtay Jabuuti isaga oo ku sii jeeday dalka Eretria.
Axmed Godane waxa ay saaxiib dhaw noqdeen Aaden Xaashi Cayroow oo ahaa madaxa ciidamada guud ee Al-Shabaab iyo kuwa qaaska ahaa ee loo yaqaanno Amniyaatka. Waxaa Godane uu ku gacan siiyay Cayroow aasaasiddii xarunta tababarka ciidan ee Salaaxudiin Alayuub.
Af-tahan
Bishii May ee sanadkii 2008-dii, Mareykanku waxa ay gantaal ku dileen Aden Xaashi Cayroow gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, waxii xiligaasi ka danbeeyay guud ahaan hoggaanka ciidan iyo kan amniyaatkaba waxa ay hoostagayeen Axmed Godane kaas oo awoodii maamul ku darsaday middii ciidan.
Axmed Godane 2007-dii ilaa 2008-dii, waxa uu dagaal ba’an ku qaaday hey’adaha Samafalka gaar ahaan kuwa reer Galbeedka waxana dalka isaga baxay gaar ahaan magaalooyinkii ay Al-shabaab ka talinayeen hey’ado waaweyn iyo kuwa Qaramada Midoobay oo caawin jiray shacabka Soomaaliyeed.
Axmed Godane waxaa uu ahaa nin isqariya, oo aan wajigiisa la arag waxaana uu la baxay Shiikh Mukhtaar Abu Zubeyr. Wax muuqala ama sawir lagama haynin ka hor 2017 markii ay Shabaabku baahiyeen muuqaal uu isagu ku jira.
Wuxuu ahaa nin aftahan ah oo mayal adag islamarkaana aan jecleyn in awoodda iyo go’aan qaadashada ururka dhexdiisa lagula loolama.
Axmed Cabdi Godane waxaa uu amar ku bixiyay in la laayo culumada Soomaaliyeed ee ka horjeedday fikirka Al-shabab, waxaana Puntland iyo koofurtaba lagu dilay culumo caan ah.
Xog kooban oo ku saabsan marxaladihii Godane
- Axmed waxaa Mareykanku madaxiisa dul dhigay 7 milyan oo dollar sanadkii 2012-kii
- Wuxuu ku biiray al-Qaacida isla sanadkii 2012-kii
- Waxaa dil ku xukuntay maxkamadda Hargeysa isagoo maqan weerarkii Somaliland kadib.
- Dalalka Sudan iyo Pakistan, oo uu waxbarasho u tagay ayaa la aaminsanyahay inuu xagjir ku noqday, waxaana la sheegay inuu ka soo dagaalamay dalka Afganistan.
- Wuxuu ahaa nin sumacad ku leh aftahanimada isagoo ahaa gabyaa khudbadihiisa ku lara suugaan uu hadba ku hoga tusaaleynayo dadka waxa uu rabo inuu u sheego.