Carruur harraad ugu dhimatay deegaanno hoostaga Ceelwaa

8″ March” 2021″ BBCSOMALI

Xilli xaalad bani’aadanimo ay ka taagan tahay qeybo kamid ah gobolka Gedo ee Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa lagu soo warramayaa in carruur ay harraad ugu dhinteen deegaano hoostaga degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Guddoomiyaha degmada Celwaaq, Ibraahim Guuleyd Aadan oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in caruur dhan saddex ay harraad ugu dhinteen deegaano hoostaga Ceelwaaq, halkaas oo maalmahanba laga soo sheegayay abaar ba’an oo saameysay dad iyo duunyaba.

“Inta u dhaxeysa Ceelwaaq iyo fafaaxdhuun ayay saddexdaas caruur ah harraad ugu dhinteen, abaaro ba’an ayaa ka jira deegaanada Ceelwaaq, waxaana u darran inta u dhaxeysa Ceelwaaq iyo Baardheere, gaar ahaan deegaanada Ceelwaaq laga xukumo ayaa aad u daran, “ayuu yiri guddoomiyaha degmada Ceelwaaq.

Duunyada ayuu guddoomiyaha sidookale sheegay inay tahay waxa ugu daran ee haatan ay saameysay abaarta, haseyeeshee saacadihii lasoo dhaafay ay dad ugu dhinteen deegaanadaas biyo la’aan.

Deegaano badan oo hoostaga degmadaas ayuu guddomiyaha sidookale sheegay inay abaarta aad u saameysay, kuwaas oo sida uu hadalka u dhigay haatan biyo dhaamin loo sameynayo.

Dad qurba-joog ah ayuu sheegay in lacag dhan toban kun oo doollar ay usoo direen dadka ay dhibaatadu saameysay, lacagtaas oo uu sheegay in haatan biyo dhaamin lagu sameynayo.

Maalma kahor ayay ahayd markii guddoomiyaha degmada Baardheere ee isla gobolka Gedo uu sheegay in deegaanno hoostaga degmadaas ay dad harraad ugu dhinteen.

Dowladda federaalka, gaar ahaan wasaaradda arrimaha gargaarka ayaa horay u sheegtay in gargaar la gaarsiiyay gobolka Gedo, inkastoo ilaa iyo hadda aysan kala caddeyn halka la gaarsiiyay.

Guddoomiyaha Ceelwaaq oo baaq dirayay ayaa sheegay in ilaa iyo iminka aysan jirin wax gargaar ah oo kasoo gaaray dowladda federaalka, maamulka Jubaland iyo hey’ado kale, waxaana uu ka digay xaaladda taagan oo uu sheegay in haddii aanan wax laga qabanin ay kasii dari doonta

Leave a Reply