Barnaamijka uu soo kordhiyay Instagram ee aad ku go’aamin karto waxa kaaga soo hor bixi kara bartooda
Instagram ayaa tijaabinaysa barnaamij cusub kaas oo dadka u oggolaanaya in ay gabi ahaanba meesha ka saaraan dhammaan waxyaabaha iyaga oo aan rabin uga soo horbaxa marka ay galaan app ka.
Barnaamijkaan oo lagu magacaabo "reset" micnaheeduna yahay dib u hagaajin - ayay sheegtay shirkaddu in dunida oo dhan u furnaan doon "dhawaan" - waxay si wax ku ool ah u nadiifin doontaa dhamaan waxyaabaha aadan rabin ee uu ku horkeenayo algorithm ka marka aad dhexgasho barta.
Waxay ku soo beegantay arrintani iyadoo Instagram ay ku dhawaaqday barnaamijyo dhowr ah oo cusub oo looga golleeyahay in lagu kor loogu qaado caafimaad qabka barta, sidoo kale barnaamijyo badqabka dadka ah ayaa la keeni doonaa bisha October oo loogu talo galay ciyaalka aan qaangaarka ahayn eek u soo biiraya barta bulsho.
Ha...