Hormuud Foundation iyo Salaam Bank oo 1,500 oo haamaha OXYGEN ah Gaarsiiyay Isbitaalka Martiini
3" March " 2021 " MUQDISHO-
Iyadoo ay sii korortay xaalada caafimaad daro ee ka dhalatay xanuunka Covid-19 oo ay dad badan u geeriyoodeen labadii todobaad ee lasoo dhaafay islamarkaana wasaarada caafimaadka ay shaacisay in uu sii faafayo cudurka, isla markaana ay jirto Oksajiin la’aan baahsanna.
Hay’adda Hormuud Salaam Foundation waxa ay wasaarada caafimaadka DFS ku wareejisay 1,500 (kun iyo shan boqol) oo haamood oo Oksajiin kuwaas oo loogu talagalay in lagula tacaalo bukaanada uu soo ritay cudur karoon virus.
Munaasabadan ay hay’adda HSF oksajiinka ku warejineysay ayaa waxaa kaoo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan HSF ,Wasaarada Caafimaadka iyo masuuliyiin kale.
Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay Cali sheikh yaasiin oo ku hadlayay magaca hay’adda HSF waxa uuna faah...