Hormuud Salaam Foundation oo mar kale damanaad qaaday baahida isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir
1- November-2023
Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo mar kale damanaad qaaday inay daboosho baahida isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir
Hormuud Salaam Foundation ayaa ogolaatay inay kafaalo-qaado sanadii labaad bixinta kharashaadka shidaalka matoorrada isbitaalka, oo ay adeegyadiisu ku tiirsan tahay .
https://twitter.com/BoodhariFarah/status/1719845218034372675?t=NkULBcdBv6dnufSD4DvzaQ&s=19
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cali Xaaji Aadan iyo Agaasimaha Isbitaalka Banaadir Dr. Fartuun Shariif ayaa hay'adda uga mahadceliyay kaalinta ay ka qaateen habsami-u-socdka hawlaha isbitaalka, oo ay hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed ka helaan adeeg caafimaad oo lacag la'aan ah.
Wasiir Cali Xaaji Aadan ayaa hay'adda guddoonsiiyay shahaado bogaadin iyo mahadcelin ...