Politics

Kulankii wadatashiga Masuuliyiinta dowlada iyo madaxdii hore ee dalka oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay
Politics, WARARKA

Kulankii wadatashiga Masuuliyiinta dowlada iyo madaxdii hore ee dalka oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay

13- July-2023- Muqdisho, Kulanka wadatashiga Somalia ee dowlada Fadaraalka iyo Madaxdii hore ee dalka oo muqdisho lagu soo gabagabeeyay ayaa bogaadiyay dagaalka ka dhanka ah argagixisada shabaab iyo guulaha laga gaaray Masuuliyiinta dowlada fadaraalka iyo Madaxdii hore ee dalka ayaa Kulankooda oo laba cisho socday waxaa lagu gorfeeyay arimo taabanaya masiirka Somalia ooy ku jirto jiheyta hanaanka dowlad dhiska ,Mideynta mudo xileedyada hayadaha fadraalka 1. Nuuca doorashada ee dalka 2  Nidaamka Madaxtinimada ee dalka 3. Nidaamka xisbiyada badan 4. Guddiga doorashada Qaranka 5. Mideynta muddo xileedka Hay’adaha Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada 6. Habraaca dhameystirka iyo dib u eegista Dastuurka KMG ah Kulanka waxaa lagu bogaadiyey Madaxda dowl...
Madaxweyne Xasan Shiikh oo si rasmi ah u furay shirweynaha Wadatashiga
Politics, WARARKA

Madaxweyne Xasan Shiikh oo si rasmi ah u furay shirweynaha Wadatashiga

12- July-2023- Muqdisho Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u furay Kulanka Wadatashiga Madaxdii Hore iyo Siyaasiyiinta. Wasiirka Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in shirkani uu muhiimad weyn u leeyahay masiirka Umadda Soomaaliyeed, samaynta go’aamada wadar oggolka ah ee ku salaysan siyaasadda dowladda Soomaaliya. Waa markii ugu horreysay ee shirkan oo kale lagu qabto Soomaaliya, taas oo ka dhalatay dowladda oo dooneysa in ay fuliso siyaasaddeeda ku salaysan in wada tashi lala yeesho dhammaanba qeybaha bulshada, si ay aragtidooda ugu dhiibtaan arrimaha masiiriga ah eek u saabsan dowlad dhiska iyo ka samata bixinta waddanka dhibaatoo...
Maxaa looga hadlay kulan ay Muqdisho ku yeesheen Madax hore iyo siyaasiyiin
Politics, WARARKA

Maxaa looga hadlay kulan ay Muqdisho ku yeesheen Madax hore iyo siyaasiyiin

12- July-2023- Muqdisho Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif, Ra’iisul Wasaareyaashii hore ee dalka iyo siyaaisyiin kale oo ku sugan magaalada Muqdisho xalay ku yeeshay kulan hordhac u ah Shirka Maanta u furmaya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxdii hore. Shirkan ayaa looga arrinsaday ajandayaasha ay maanta oo Arbaco ah ay la hortagi doonaan Madaxweyne Xasan Sheekh oo martigelin doono Shir wadatashi oo uu Mas’uuliyiintan hore la yeelan doono oo uu kala hadli doono arrimo dhowr  Siyaasiyiinta ku shiray Muqdisho xalay oo u muuqday inuu hoggaan u yahay Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa kasoo horjeeda go’aanadii bishii May ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran oo ku saabsan hannaanka doorashada. “Waxaa isugu nimid kulan wadatashi ah. Waxaan u mahadcelineynaa Madaxwe...
Somalia Madaxdii hore ayaa ku sii qulqulaya Muqdisho Iyadoo Madaxweyne Xasan Shiikh uu Isugu yeeray shir wadatashi ah
Politics, WARARKA

Somalia Madaxdii hore ayaa ku sii qulqulaya Muqdisho Iyadoo Madaxweyne Xasan Shiikh uu Isugu yeeray shir wadatashi ah

11- July-2023- Muqdisho Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir Wadatashi ah ku casuumay Madaxdii hore ee dalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fed犀利士 eraalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya xaqiijinta Soomaali heshiis ah ayaa barri daahfuraya kulan wadatashi ah oo ay wada qaadanayaan madaxdii hore iyo siyaasiyiinta dalka, kaas oo ku saleysan wadatashi iyo is-qancin in looga gudbo xaaaladda dalka uu ku jiro. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uga mahad-celinaya madaxdii hore sida ay u soo ajiibtay ka qeyb-galka kulankan ayaa madasha kula wadaagi doona waxyaabaha u qabsoomay dawladda intii uu xafiiska joogay, caqabadaha jira iyo hiigsiga mustaqbalka. Madaxweynaha ayaa dhageysan doona aragtidooda ku aadan xaalada dalka, amniga , ciribtirka Khawaarijta, dib u eegist...
Daawo : Dacawad oogaha Somalia ayaa Shaaciyay magacyada 18 Mas’uul oo loo heeysto eedo musuq-maasuq la xiriira
Politics, WARARKA

Daawo : Dacawad oogaha Somalia ayaa Shaaciyay magacyada 18 Mas’uul oo loo heeysto eedo musuq-maasuq la xiriira

-6- July-2023- Adduunka Tv https://youtu.be/sfj2CRvYJrU Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud oo Goordhow shir jaraaid k壯陽藥 u qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay Liiska mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaasoo baxsad ka ah cadaalada. Waxa uu sheegay in 18 Masuuliyiin ah oo baxsad ka ah cadaaladda ay jiraan, loona heysto musuq maasuq, wuxuuna raja ka muujiyay iney cadaalada wajahaan. Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay iney xiriir dhow la leedahay booliska adduunka ee Interpol oo ay awood u leeyihiin iney gacanta kusoo dhigaan kuwa isku daya iney dalka ka baxsadaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay gumeysiga maanta ee Argagixisada iyo dowlad dhiska Soomaaliya
Politics, WARARKA

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay gumeysiga maanta ee Argagixisada iyo dowlad dhiska Soomaaliya

-1- July-2023- Muqdisho- SONNA" Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo garoonka Muqdisho ee Kubadda Cagta kagala qeyb-galay kumannaan shacab ah, xuska sannad-guurada 63-aad ee xornimada iyo midnimada dalka ayaa ka hadlay xaaladda dalka, sooyaalka dadka Soomaaliyeed ee la dagaallanka gumeysiga iyo hiigsigooda ku aaddan dhismaha qaran ka tilmaaman gobolka iyo qaaradda. Gumeysigii laga xoroobay iyo kan maanta; Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay maanta garowsan yihiin in argagixisada ku soo duushay dalka ay yihiin gumeysi xanuun badan oo cuuryaamiyey nolashooda, xasuuqay dadkii ay jeclaayeen, kana been abuurtay diinteenna suubban, isagoo soo bandhigay rajadiisa ku aaddan in wajiga labaad ee howlgalka ka...
Daawo: munaasabada 1 July oo Muqdisho lagu qabtay
Politics, WARARKA

Daawo: munaasabada 1 July oo Muqdisho lagu qabtay

30- June-2023- Muqdisho Daawo: Dabaaldega munaasabada Calan saarka maalinta xoriyada Somalia ee 1 July oo Mu犀利士 qdisho lagu qabtay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabadda Calan-saarka sannad guurada 63-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed ee dalka iyo midnimadii labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur, si waafaqsan habmaamuuska habeenkii xornimada iyo midnimada ee 1-da Luulyo 1960-kii. https://twitter.com/BoodhariFarah/status/1674919594501324801?t=d8cZXpK4mO9PyBGTAHNq0A&s=19
Waa sidee Sawirka ka muuqda 63 Sano Kadib gobolada waqooyi ee Somalia oo xornimada ka qaatay Ingiriiska 26 June 1960 kii ?
Politics, WARARKA

Waa sidee Sawirka ka muuqda 63 Sano Kadib gobolada waqooyi ee Somalia oo xornimada ka qaatay Ingiriiska 26 June 1960 kii ?

25- June-2023- By/ Elmi Osman Farah Dib-u-dhac, dagaal sokeeye, burbur iyo barakicin shacab. Waa sawirka muuqda 63 sano kadib markii gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska 26-kii June 1960-kii. Beesha Dhulbahante ayaa dajisay calanka maamulka Hargeysa, 30 sano kadib markii Somaliland ay dajisay calanka jamuuriyada Somalia Tan iyo 6-dii bishii Febraayo waxaa magaalada Laascaanood ee waqooyiga Soomaaliya ka dhacayay dagaalo culus oo u dhexeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo maleeshiyo beeleed ka soo jeeda beesha Dhulbahante ee waqooyiga Soomaaliya. Somaliland waxa ay sheeganaysaa xuduudii gumaystihii hore ee British Somaliland intii aysan la midoobin gobolada koonfureed oo la dhihi jiray Italian Somaliland 1960kii si ay u sameeya...
Daawo: Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka dalbaday Golaha Ammaanka..
Politics, WARARKA

Daawo: Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka dalbaday Golaha Ammaanka..

22-June-2023 Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka codsaday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in Somalia laga qaado cunaqabateynta Hubka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa si faah faahsan uga hadlay xaaladda amniga dalka, waxa uuna u jeediyay codsi xooggan oo ku aaddan in ay dalka ka qaadaan cunaqabateynta hubka ee saarneyd tan iyo sannadkii 1992-dii. “Waxaan garoowsannahay in Al-Shabaab oo laga adkaado ay u baahan tahay qorshe dhinacyo badan leh oo ay ugu horreeyaan ciidamo tayo iyo awood leh,  dhismo dowladeed oo loo dhan yahay iyo in dowladdu ay awood u yeelato bixinta adeegyada aas-aasiga ah ee shacabka. Dowladdaydu waxay si dhab ah uga sha...
Somalia’s universal suffrage plan could run into headwinds
Politics, WARARKA

Somalia’s universal suffrage plan could run into headwinds

4-June-2023 Somalia’s new radical proposals, meant to upend the country’s political system from parliamentary to presidential, is raising a storm, and exposing further cracks between Mogadishu and some political quarters. On May 28, President Hassan Sheikh Mohamud led the federal presidents of Galmudug, Hirshabelle, South West and Jubbaland and the Governor of Banadir region to take the citizens to vote for their preferred leaders by universal suffrage. Universal suffrage has been elusive for decades, with political leaders seeking to return Somalia to the one-person-one-vote system last used in 1969. Yet the failures of the past and wrangles among political leaders seem to afflict this latest bid. The four-day Summit of the National Consultative Forum (NCC) held in Mogadishu ...