Dheeho: Kulamada Axada
Weeraryahanka Barcelona Robert Lewandowski ayaa hat-trick ka dhaliyay Alaves Axadii
Robert Lewandowski ayaa ahaa xidigii garoonka ugu fiicnaa Barcelona iyadoo uu xiddiga weerarka ka ciyaara uu dhaliyay seddexleey qeybtii hore ee ciyaarta markii ay 3-0 kaga badiyeen Alaves axadii taasoo ka dhigtay in kooxda Hansi Flick ay seddex dhibcood ku qabato hogaanka La Liga.
Robert Lewandowski ayaa qeybtii hore ee ciyaarta dhaliyay seddexleey iyadoo Barcelona ay dib u soo ceshatay seddexda dhibcood ee hogaanka horyaalka La Liga ka dib markii ay guul raaxo leh ka gaartay kooxda Alaves.
Guushii Real Madrid ay gurigeeda kaga badisay Villarreal fiidnimadii sabtida ayaa si ku meel gaar ah u soo dhawaysay kooxda Hansi Flick.
https://twitter.com/BoodhariFarah/status/1842977803727478809?t=xIN20R...