Imaaraadka Carabta oo qaaday tallaabo culus oo la xiriirta xiriirka Soomaaliya
28-July-2024
Dowladda Isu Tegga Imaaraadka Carabta ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo ay ku xoojineyso xiriirka Soomaaliya, waxaana maanta xafiis cusub oo muhiim u ah xiriirkaas ka furtay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
Safiirka Imaaraadka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Axmed Jumca Rumeythi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay xarunta bixinta dal ku galka, taas oo hadda kadib dadka Soomaaliyeed ay ka qaadan doonaan visaha.
Danjire Axmed Jumca Rumeythi ayaa shaaca ka qaaday in furitaanka xaruntan ay kamid ka tahay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, ayna ka go’an tahay inay sii hormariyaan iskaashiga ka dhexeeya labada dhinac.
Xaruntan cusub ayaa waxa waxa ay noqonaysaa qunsuliyaddii ugu horreysay oo Imaaraadka Carabta ka furo magaalada Muqd...