Ciidamada DANAB oo deegaan istaraatiiji ah ka qabsaday Al-Shabaab
10-July-2024
Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa maanta howlgal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay qaybo kamid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya.
Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa ciidamada huwanta ay kula wareegeen deegaanka Harboole oo ah mid istaraatiiji ah, iskuna xira gobollada Jubbooyinka.
Ciidamada ayaa gudaha u galay deegaankaasi, waxayna kadib isku fidiyeen tuulooyinka u dhow, si ay uga hortagaan soo rogaal celinta maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.
Deegaankan ayaa u dhexeeyo degmada Afmadow iyo deegaanka Janaay Cabdalle, waxaana marta waddo muhiim u ah oo isku xirta gobolka Jubbada Hoose iyo gobolka Jubbada Dhexe.
Sa犀利士
raakiil u hadashay milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in...