Falcelinta Soomaaliya iyo dalal kale oo Caalamka ah ay ka Bixiyeen Geerida Madaxweynihii Iran Iyo Wasiir la socday oo shil diyaaradeed ku dhintay
20" May"2024" DF/Soomaaliya oo war kasoo saartay geerida Raisi, dhambaalna u dirtay IRAN
Dalalka caalamka qaarkood ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid madaxweynihii dalka Iran Ebrahim Raisi, oo isaga iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda ay ku dhinteen shil diyaarad helicopter ah.
Waxaa ka mid ah Dowladda Soomaaliya oo tacsi u dirtay dalka Iiraan tacsi taasi la mid ah waxay ka timid ururka Midowga Afrika iyo waddamo kale oo caalamka ah.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhambaal tacsi ah u dirtay dowladda Iran iyo shacabkeedaba kadib uun markii la xaqiijiyay geerida madaxweyne Ibraahim Raisi iyo masuuliyiin sare oo dalkaasi ah
Dowladda Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Iran geeridii ku timid Madaxweyne Ibraahim Raisi iyo Wasii...